Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganafka ku dhufatay Qorshe xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ku doonayso inay kaga hortagto Aqoonsiga Dowladda Maraykanka.
Xukuumadda Xasan Sheekh ayaa qoraalka ay u gudbisay dowladda Maraykanka ugu yaboohday isticmaalka dekedda Berbera, taas beddelkeedana ay xukuumadda madaxweyne Donald Trump ka laabato Qorshaha Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Safiirka Woqooyiga qaaradda Amerika u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Danjire Bashiir Good, ayaa tallaabo faashil ah oo aan waxba ka beddeli doonin Aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay inay Somalia Maraykanka ku laaluushto isticmaalka iyo maamulka Dekedda Berbera oo aanay awood u lahayn maadaama oo ay ku taallo dhulka Somaliland.
Danjire Bashiir Good waxa uu sheegay inay Somaliland ku hawlan tahay inay Dowladda Maraykanka kala shaqayso dhammaystirka Qorshaha horumarinta danaha istiraatijiyadeed ee labada waddan ka leeyihiin Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.
Danjiruhu wuxuu soo bandhigay xaqiiqooyin sharci ahaan meesha ka saaraya isla markaana burinaya qorshaha ka dhanka ah Aqoonsiga Somaliland ee dowladda Somalia u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, isagoo soo daliishaday qodobbada sharci ee ku jira heshiiska iskaashi ee Maraykanka iyo Somaliland dhexmaray sannadkii 2023-kii, kaas oo xilligan horyaalla Aqalka Congresska Maraykanka.
“Waxaanu dalkayaga ku soo dhawaynay Wufuud ka tirsan AFRICOM (hawl-galka Milatari ee Afrika) si ay u qiimeeyaan sida ugu wanaagsan ee Maraykanku uga faa’iidaysan karo Dekedda Berbera si loo fududeeyo hawl-galkooda Geeska Afrika,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Bashiir Good oo Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka Maraykanka iyo Canada.
Danjiraha oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey barta X oo warbaahinta Hargeysatoday soo xigatay, waxa uu intaas ku daray, “Sida ku cad natiijadii ka soo baxday heshiiskii sharci ee NDAA ee 2023-kii, xoghayeyaasha arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee Maraykanka waxa uu ku waajibinayaa inay si joogto ah ugu gudbiyaan Congress-ka dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka difaaca, diblomaasiyadda iyo horumarinta ee Somaliland,” ayuu yidhi Danjire Good.
Ambassador Bashir Good wuxuu sheegay inay Shacabka iyo Dowladda Maraykanka meel-ka-dhac iyo Ceeb ku tahay tallaabada Soomaaliya ku doonayso inay si badheedh ah dhul Qarankii iska lahaa ilaashanayo ugu yaboohdo waddan kale.
Ugu Dambeyn, waxa uu Danjire Good xusay in madaxweynaha Maraykanku ogyahay xaqiiqada farqiga u dhexeeyo Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana aanu qaadan Karin tallaabo kasta oo meel-ka-dhac iyo aflaagaaddo ku ah isaga iyo shacabka Maraykanka.
Heshiiska iskaashiga ee Maraykanka iyo Somaliland oo khuseeya dhinacyada Difaaca, Diblomaasiyadda iyo Horumarinta Kaabayaasha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku yimi socdaal uu dalka Maraykanka ku tagay bishii March ee sannadkii 2022-dii Madaxweynihii hore Mudane Muuse Biixi Cabdi oo marti-qaad rasmi ah ka helay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaas, iyadoo xildhibaano ka tirsan Aqalka Congress-ku ay Golaha horkeeneen qaybo-qoraalka ajandeyaal sharci oo bud-dhig u ah heshiiska iskaashi ee labada waddan.
Hargeisatoday.com
Hargeysa, Somaliland