London (SLpost)- Dr. Steve Kibble oo ah Ku xigeenka Madaxa, Somaliland Focus (UK) ayaa Warqad ku suntan Qaddiyadda Wargeyska HUBAAL iyo Xayiraada la saaray u soo dirayย ย Madaxweynaha Somaliland.
Dr. Steve Kibble ย oo warqaddiisa furan cinwaan uga dhigay โ Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Siilaanyo: Jariirada HUBAAL iyo Saxaafadda Somalilandโ, waxa uu kaga hadlay dhacdooyinkii kala dembeeyey ee lagu bartilmaameedsaday HMN. Waxaana iyada oo aanu idiin turjunay ay u dhignayd sidan:
โMd. Madaxweyne, Waxaan Qoraalkan Kuugu soo Qorayaa Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkaย Ururka Somalilandย Focus (UK). ย Tan iyo 2005-dii, Somaliland Focus waxayย ku hawlan tahay Wacyigelinta nidaamka dimuqraadiyada Somaliland,ย waxa ay kamid ah Isu-duwayaasha Goob- joogayaashii caalamiga ahaa ee doorashooyinkii 2010-kii iyo 2012-kii Somaliland ka qabsoomay, Annaga oo sidoo kaleย saamayn ku leh dhammaan xisbiyadda siyaasadda, xubnaha Baarlamaanka UK, ee ku lugta lehย ย Somaliland iyo Somalia. Waxaanu u han-weynahay In laga midho dhaliyo Guulaha Somaliland.
[Md. Madaxweyne] Qoraalkani waxa uu xambaarsan yahayย guud ahaan mawqifka aanu ka qabno xorriyatul-qawlka [Saxaafadda Madaxa banaan] Somaliland xaaladda ku sugan yahay, gaar ahaannaย dhacdooyinkan ugu dembeeyey ee khuseeya Jariiradda HUBAAL.
ย Tixraaca qoraalkanina Macnawiyan, waxaa uu tixraacayaa Warqad Furan oo [Somaliland Focus] ay 11-kii bishii November ee sanadkan 2013-ka aanu u soo dirnay Asxaabtayada [Wasiirrada] Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkaย arrimaha Dibedda Somaliland iyo Cabdillaahi Maxamed Daahir, Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Warqaddaas Waxa ay khusaysay sawirka ay bixinayso cabsi-gelinta iyo cago-juglayntaย joogtada noqotay ee deriska la ah Suxufiyiiinta Somaliland. Aan Tixraacno Wargeyska HUBAAL oo Bartil-maameedย khaaska uย noqday, weerarkii bishii April aynu ka war-qabnay ee lagu qaaday xafiiskooda Hargeysa iyo dhaawacyadii soo gaadhay hawl-wadeennadiisa.
Bishii June, ย waxa la xayiray daabacaaddii [HUBAAL], kadib markii wargeyska ay ku soo baxeenย Qormooyinย ay ka biyo diidday dawladda Somaliland,ย xayiraadaas ka sokowna waxa xigtay in Tifaftiraha guudย [editor-in-chief] iyo Maareeyaha [Managing director] ee HUBAAL Xabsiga la dhigo,ย inkastoo markii dembe xayiraada dib looga qaaday wargeyska, Masuuliyiintiisiina la sii daayay, markii aad adigu [Madaxweyne] Bishiiย August,ย soo saartay Digreeto Madaxweyne ooย nasakhaysa xukunnadii lagu riday labadaas nin iyo xayiraadii la saaray daabacada wargeyskaba.
ย Intaas oo dhan ka sokow;
Bishan December 13-kii Waxaa Wehel noo noqdayย Walaahow iyo Werwer kadib markiiย mar labaad ay ciidanku ku duuleen xarunta wargeyska lagu duulay iyagoo si ficil ah uga war celinaya falanqayn ka dhan ah iyaga oo wargeysku sameeyey, waxa ay garaaceen oo ay xidheen dhawr xubnood inkastoo markii dembe lasoo daayay.
Waxa la soo weriyey inย weli la haysto xaruntoodii, Maareeyihii Fulintuna uu dhuumasho ku jiro ilaa hadda.
Tallaabadan Ciidanku waxa ay daba socotay Isu soo bax salmi ah oo ayย ย shaaciyeen xubnaha saxaafaddu, kaasi oo loo xidhay afar suxufi, lix maalmoodna xabsiga ay ku jireen. Sarkaalkii Bilayska ahaa ee bishii April ku soo duulayย Hubaal oo la xidhay ayaa la sii daayay waana Tallaabadaย ย carisey shucuurta suxufiyiinta ee ay Isu soo baxa ka sameeyeen. Sii deynta sarkaalkan waxa ka dhiidhiyey Tifaftiraha guud ee HUBAAL iyo Maareeyaha fulinta ee HMN,ย warqad qaylo dhaan ah ayaanay dabayaaqadiiย November ย kuugu baaqeen [Madaxweyne] in dawo loo helo qoonta uu soo gaadhsiiyey Sarkaalkani, sharcigana la waafajiyo kiiskooda.
Somaliland Focus waxa ay u baahan tahay in dhibaataynta laga daayo Suxufiyiinta Madaxa banaan, isla markaana aan mililka dusha laga dhayin ee toos loo abbaaro nabarka, xalna haloo helo. ย Md. Madaxweyne Dhadhamiย cabashooyinka dayaankeedu soo noqnoqonayo ee kasoo yeedhaya Tifaftiraha iyo Maareeyaha HMNย danniga kaga qabaan ciddii April soo weerartay, sharcigana ha loo sinnaado.
Dhacdooyinkan iyoย silsilada taxan ee qaybta ka ahiba waxa ay qodaysaa booraan hadimo oo ay saxaafadda madaxa banaani ku dhacdo, haddii aan laga hor tagin sharcigana lagu dhaqin.
Keliya [Somaliland Focus] waxa ay mar labaad kugu celinaysaa qodobadaasย hore; bartilmaameedka saxaafaddu waxa uu u muuqdaa faaf-reeb shakhsiyadaysan taasina
Ficillada ka dhanka ah saxaafaddu waxa ay summad nasiib darran ku noqonaysaa Maamulka Somaliland ee hadda jira iyo kuwii hore u soo marayba.
Waxa kale oo ay karaar jab ku tahay Ololaha aanu ugu jirno Somaliland iyo xoogga aanu saarayno jiritaankeeda. Waxaanu u baahan nahay in adiga [Madaxweyne) iyo Madaxdaada kalebaย ogsoonaataan muhiimadda uu rukunkani [xorriyatul-qawlku] u leeyahay dimuqraadiyadda, dibindaabyadiisuna ay Iin ku tahay dhamaystirka dawladnimada Somaliland oo soo martay marxalad kala guur ah iyo Xilligan oo xisbiyoย siyaasadeed iyo geedi socod nabadeed ka hana qaadayba, taasoo aad ka midho dhalinteeda nafihiina u hurteen.
Mahad-sanid
Dr. Steve Kibble
Ku xigeenka Madaxa, Somaliland Focus (UK)
WEB: http://www.somalilandfocus.org.uk