Hargeysa(SLpost):-Dallada naafada qaranka somaliland ee SNDF ayaa ugu baaqday guud ahaan dadka naafada ah ee reer somaliland inay ka qayb galaan diwaan gelinta codbixiyayaashaย ee dhawaan ka qabsoomi doonta dalka.
Warsaxaafadeedka ay soo saartay dallada Naafada ee SNDFย ayaa u dhignaa sidan โDallada Naafada Qaranka Somaliland ee magaceeda loo soo gaabiyo (SNDF) oo ah Dallada ay ku bahoobeen ururada qaybaha kale duwan ee dadkaย naafada ah ee reer Somalilnad iyo kuwa la shaqeeya.
Iyadoo laga duulayo:-
- Heshiiska ย caalimiga ah ee Qaramada midoobay ee
xuquuqda dadka naafada ahย ย Qodabadiisa 12aad iyo 29aad oo dawladaha faraya ka mid ahaanshaha talada dalka ee dadka naafada ah iyo in dadka naafada ahi ka qayb qaataan dooroshooyinka islmakana ay helaan warbixin doorosho oo ay fahmi karaan. Heshiiskaas oo dhaqan galay may 3, 2008.
- Qodobadaย 8aad & 22aad ee dastuurka Somaliland oo qeexayaย Sinnaanta muwaadiniinta, xuquuda hawlaha siyaasadeed iyo ka qaybgalka dooroshooyinka.
- Xeerka diiwaan galinta codbixiyayaashaย Xeer Lr. 37/2007 Qadobkiisa 2aad oo Qeexaya codbixinta.
- Qodobka 44aad ee xeerka codbixiyayaasha farqadiisa 1aad iyo 2aad kuwaasi oo Qeexaya ciqaabta ku xadgudubka xeerka diwaan galinta codbixiyayaasha.
Markaanu tixgalinay:-Durufaha la xidhiidha geedi socodka dimoqraadiyadda Somaliland iyo Baahida loo qabo wacyi galintaย doorsho loo dhan yahay
Markaanu daraasaysay:-ย ย yaraanshaha ka qaybgalka doorashooyinka ee dadka naafada ah.
SNDF Waxay ugu baaqaysaa
Dhammaan dadka naafada ah ee buuxiyay shuruudaha codbixinta ee lagu qeexay xeerka dooroshooyinka qodabkiisa 5aad inay:-
- Qaataan kaadhka codbixinta ee lagu codaynayo doorasha Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa iyo Golaha sharci dajinta(baarlamaanka) Jamhuuriyadda Somaliland ee qorshaysan in ay dalka ย ka qabsoonto.
- Waxay ogaysiinaysaa dadka naafada ah in ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan, wax doortaan lana dooran karo.
- Waxay la socodsiinaysaa in laโaanta kaadhka muwaadinku aanay ka hor istaagayn in ay qaataan kaadhka codbixinta.
- Waxay ku buraarujinaysaa dadka naafada ah in kaqaybagalkoodaย doorashooyinka Somaliland uu muhiim u yahay qabsomidda doorosho loo dhan yahay oo kobcinaysa horumarka iyo dimoqraadiyada Somaliland
- Waxay uga digaysaa dadka naafada ah inay isku dayaan Qaadashada kaadhka codayntaย iyo codayntaba hal mar wax ka badanย taas oo muwaadin kasta oo isku dayaa uuย ku mutaysanayo ciqaab sharci oo isugu jirta xadhig iyo ganaax lacageed,laguna waaayo karo xuquuqda codbixineed ilaa iyo inta diiwaan galin kale dalka ka dhacayso. sida ku cad qodobkaย 44aad ee xeerka codbixinta farqadiisa 1aad iyo 2aad.
ALAAH MAH LEH
Marwo: Nuura Maxamud Nuur_________________________
Gudoomiyha Dalladda Naafada Qaranka Somaliland