Dalka Suuriya oo laga Naadinayo Jagooyinka Wasiirrada iyo Ku-xigeennada

0

Beirut (SLpost)- Raysal-wasaaraha cusub ee xukuumadda mucaaradka Syria oo dhalashada Marakyanka haysta, Ghassan Hitto, ayaa qoraal uu soo saaray ugu baaqay dadka xiisaynaya wasiirnimo iyo ku-xigeeno u soo gudbiyaan CV-yadooda ilaa Salaasada.

Sida ay qortay jariidada Al-Quds Al-Arabi, Mr Hitto, oo raysal-wasaare ay u magacaabeen mucaaradka Syria, ayaa sheegay Inuu bilaabay baadidoonka kooxdii kala shaqeyn lahayd xukuumada cusub, isaga oo ka dalbaday dhamaan mujtamaca Syria inay taageeraan hadafkaa.

syria-ghassan-hittoโ€œSi aan u abuurno dad aqoonyahano gudan kara waajibkaa, waxaan sii wadayaa aqbalaada CV-yada dadkii buuxin lahaa xilalka xukuumada ka bilaabmaya wasiir, ilaa agaasime waaxeedyo, ilaa salaasada,โ€ ayuu Hito sheegay.

Tartamayaasha ayaa shardi looga dhigay inay ย muwaadiniin yihiin , isla markaana daโ€™doodu ugu yaraan 35 jir tahay, si uu ugu qalmo wasiir ama ku-xigeen, isla markaana aan lagu xidhiidhin rajiimkii dembiyada ka galay shacabka Syria, ee hantidooda boobay. Tartamaha ayaa shardi looga dhigay inuu u dodo kacdoonka Syria, isla markaana diyaar u yahay ka shaqeynta gudaha Syria.โ€

Somalilandpost.net