Cairo (SLpost)- Dadweynaha dalka Masar ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta, si ay u soo doortaan Madaxweyne cusub, iyadoo doorashadaniย ย ay noqonaysoย ย ย tii ugu horaysay ee madaxweyne-nimo ee dalkaasi ka qabsoontaย ย tan iyo markii xukunka laga tuurayย ย madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarik.
Doorashadan haatan waxaa u taagan oo ku loolamaya ilaa Saddex iyo toban musharax, waxaanaย ย la saadaalinayaaย ย ย suura galnimadaย ย in wareega kowaad ee doorashada ay isugu soo hadhi karaan shan ilaa afar murashax,
Doorashadan madaxtinimada ee maanta ka bilaabantay dalka Masar waxa codkooda ka dhiibanaya ilaa 50 malyuun oo ruux , kuwaasi oo codkooda ka dhiibanaya todoba iyoย labaatan gobol ooย ย Qaahiri ugu dad badan tahay.
Cod bixinta doorashada ayaa waxa ay dalkaasi ka socon doontaaย ย Maanta iyo burrito , iyada ooย ย natiijada doorashadana lagu wado inayย ย soo baxdoย ย sagaal iyo labaatanka bishan May oo ah waqtiga ay u xadideenย ย inay natiijadu soo baxdo guddiga sare ee doorashooyinku. Hadiise murashaxiinta doorashada ku loolamaya midkoodna gaadhi waayo inuu helo 50% codadka la dhiibtay,waxay noqonaysaa in wareeg labaadย ย ย la qabto, taasi oo loo qorsheeyey in dadkaย ย Masaarida ah ee dibadaha ku nooli ay wareega labaad codeeyaanย ย saddexda ilaa sagaalka bisha Juun,ย ย dadweynahaย ย Masaarida ee dalka gudihiisaย ย joogaana ay codayn doonaan 16 ilaa 17- isla bisha Juun.
SLpost News