Hargeys, (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan axsaabta qaranka iyo golaha guurtida ayaa dood adag ka yeeshay khilaafka ka taagan muddo kordhinta ay guurtidu samaysay, taasoo muddooyinkii u dambeeyay ay xukuumadda, xisbiga talada haya ee KULMIYE, xisbiyada mucaaradka ah UCID iyo WADDANI ay ku kala aragti fogaadeen, isla markaana sababtay in fadhiyo dhowr-jeer oo lagu kala kacay kaddib, ayย 27-kii bishan ay saddexda xisbi khilaafkaasi ku soo af-jareen heshiis Afar qodob ka kooban.
Haseyeeshee, Golaha Guurtida oo Sharciyan iska leh muddo-kordhinta, ayaa ganafka ku dhuftay Heshiiskaas oo ay ku tilmaameen mid sharciyadda ka baxsan isla markaana ka hor-imanaya Go’aamo sharci ah oo ka soo baxay Gole Dastuuri ah.
Dooddan oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du u qabatay saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Jimcihii, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Shabeel, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdinaasir Qodax, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Boobe Yuusuf Ducaale iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland.
Halkan kaga Bogo Doodda Dhexmartay Xisbiyada iyo Guurtida