Boorama (SLpost)- Shirweynaha Lixaad ee Xisbiga Kulmiye oo shalay ka furmay magaalada Boorama, ayaa maanta la soo af-meeray, waxaana halkaas lagu doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo cod gacan-taag ah ay u qaadeen Ergooyinka Xisbiga ee shirka ka qayb-galay.
Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shir-guddoominayey shirka maanta ee lagu doortay hoggaanka Golaha Dhexe, ayaa ka hor intii aan la bilaabin codeynta, waxa uu Ergooyinka Xisbiga ee Shirka ka qayb-galay oo dhammantood ku jirta Golaha Dhexe ka codsaday inay u codeeyey murashaxiinta ku tartamayey Jagada Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe.
Codeynta kaddib, waxa Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye loo doortay inuu Noqdo Maxamuud Jaamac Warfaa oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada halka Guddoomiye ku-xigeenka uu ku guulaystay Cali Maxamed Cali oo ahaa Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda wafaafinta.
Haddaba Muuqaalkan Hoose ka daawo Qaabkii ay u dhacday Doorashadii Golahaย hoggaanka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
ย