Daawo Muuqaallada Guud iyo Jewigii Shirka Madaxweynaha iyo Ergada Nabadeynta Gobolka Sanaag

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergada Nabadaynta Gobolka Sanaag iyo Dhexdhexaadinta Jabhadda Caarre iyo xukuumadda, waxaanay is Af-garad buuxa ka gaadheen soo af-jaridda arrinta Buuraleyda Woqooyi ee Gobolka Sanaag.

Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada, kulanka oo ku qabsoomay qasriga Madaxtooyada, waxa ay labada dhinac dhinac isla qaateen in si degdeg ah loo soo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda Woqooyi ee gobolka Sanaag oo ay ku sugan yihiin Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caarre.

War-qoraalka ka soo baxay madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo ย ciidamada ku sugan halkaas ย ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo. Islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo ย ciidamada ku sugan halkaas ย ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta, ย ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uuย  madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka qaranka.