London (SLpost)- Kooxaha Chelsea iyo Manchester City oo Goor dhow u ballansan kulan ka tirsan tartanka koobka FA-ga Ingiriiska oo marxaladdiisa Semi-finalka maraya, ayaa la filayaa in Guusha Koobkaasi ku xidhan tahay natiijada kulankooda oo 6:00-da fiidnimo ku qabsoomaya garoonka magaalada London ee Wembley.
Kooxda Wigan oo shalay la ciyaartay kana badisay kooxda Minwal, ayaa taagan Finalka Koobkan isla markaana sugaysa hadba kooxda guulaysata Chelsea iyo Manchester City, iyada oo bisha Soo Socota Final-ka koobkan lagu qaban doono Garoonka Wembley.
Kooxda Final-ka Taagan ee Wigan, ayaa kala horeynta dhibcaha Horyaalka Ingiriiska Xagga hoose kaga jirta, waxaana ka hooseeya oo kaliya kooxaha QPR iyo Reading, halka kooxaha caawa ku tartamaya Semi-finalka ay kaga jiraan Horyaalka Kaalmaha Labaad iyo Afraad.
Chelsea iyo Jidka ay ku gaadhayso Wembely
Ciyaartoyda lagu bilaabi doono Chelsea
Bilowga:
Cech,
Azpilicueta, Ivanovic, Luiz, Bertrand,
Ramires, Mikel,
Hazard, Mata, Oscar
Demba Baย
Beddelka: ย Turnbull, Terry, Ake, Lampard, Benayoun, Moses, Torres
Manchester City iyo Jidka ay ku gaadhayso Wembely
Ciyaartoyda lagu bilaabi doono Manchester City
Bilowga:
Pantilimon
Zabaleta, Kompany, Nastasic, Clichy,
Y Toure, Barry,
Milner, Tevez, Nasri,
Aguero
Beddel:ย Hart, K Toure, Lescott, Kolarov, Garcia, Sinclair, Dzeko
sports@somalilandpost.net