Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),ka dib markay shirar iyo xog wareysi la yeelatay dadka degaanka,oo isugu jira aqoon yahanka,madax dhaqameedka,culimaau diinka,ururada haweenka,dhalinyarada,maamulka degaanka,waxaa noo cadaatay in baahi aad u ballaadhani ka jirto dhinaca Caafimaadka.
Magaalada Tog-wajaale,oo ah xarunta ugu weyn ee Ganacsiga Somaliland,maalinba maalinta ka danbeysana ay kor u kacaysa tiradaย dadkaย ku nooli,waa lagama maarmaan ah inay yeelato adeeg caafimaad,oo kaย mid ahย kaabayaasha nolosha aasaasiga ee bani aadamku u baahan yahay.
Maamulka Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foudation (TWF),iyagoo baahidaa ka jawaabaya, waxay go’aansadeen in Cusitaal weyn oo qalabkiisu u dhan yahay, loo dhiso Magaalada Tog-wajaale.
Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foudation (TWF),waxay ku guulaysatay in ay ka mid noqoto Hay’adaha Samo-Falka ee ka diiwaan gashan Dalka Ingiriiska,ka dib markay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa,taasina waxay u suurta galisay inย Hay’ada TWF loo ogolaado in ay Account ka furato karto Bangiyada ugu waaweyn ee Dalka Ingiriiska.
Waxaan la socod siinaynaa dhammaan dadka ka soo jeeda degaanka Tog-wajaale, Xukuumada, shacabka Gobolka Gabiley , shirkadaha waa weyn, Baayac Mushtarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta hawlaha samo falka ee bulshaduย wada leed ahay,inay wixii ay awoodi karaan ugu soo hagaajiyaan Cinwaanka Bangiga ee hoose ku qoran:
Togwajale Foundation (TWF)
Bank name: Lloyds TSB
Account No. 24299468
Sort Code: 30 – 98 – 70
London , UK