Waxaana tusaale cad inooga filan Riwaayad waayahaasi lasoo bandhigay oo uu Aktarka koowaad kaΒ ahaa heesaha ku jirayna ay kamid ahaayeen.
βAma waa lay dooran ama daadku I qaadayβ. Dulucda fariinta ayΒ tebinaysayna waxay sawir cad ka bixinaysay xubnihii u haliilayey inay awooda qaranka gacanta ku dhigaan. Iyo jahawareerka bulshadu ku sugnayd.
Taariikhahaas oo ku beegnaa xiligii dowladihii Rayidka ahaa ee ka horeeyey Inqilaabkii Militeri ee 21.Okt.1969.
Curashadii NidaamkiiΒ Askarta ooΒ meelaha uu bilowgiiba horumarka ka sameeyey Fanku kamid ahaa, waxaa la dhisay Tiyaataro iyo xarumo lagu soo bandhigo Riwaayadaha iyo bandhig faneedyada,
Inkastoo gardaadintii Kacaankaasi Fanku qayb weyn ku lahaa Heesaha AmaantaΒ iyo suugaantii loogu sacab garaacayna ayΒ joogto ka noqdeen Idaacadihii Dowlada,Β balseΒ qaladaadkii dowladaasi ku kacdayΒ Β cidii ugu horeysay ee farta ku fiiqda waxay ahaydΒ Bahda Fanka.
Markaynu dib u milicsano Bilowgii todobaatanaadkii oo fankuΒ uu gaadhay halkii u saraysay, waxaa xiliyadaas caan noqday Riwaayado isdaba joog ah oo Kooxaha kala duwan ee fanku soo bandhigeen,Β AHN Cumar-Rooraaye wuxuu kamid ahaa Haldoorkii ka qaybgalay masrixiyadahaas.
Kuwoodii ugu magac weynaa sida 1-Dirqi maaha Jacaylku oo uu sameeyey Abw. Maxamed Aadan Dacar, 2-Wad iyo Wacad oo uu lahaa AHN Cismaan-Askari, 3-Xuud Baa Liqay Jacaylkii Fikradii AHN Maxamuud C/laahi Singub, 4-Xuskii Jacaylkii AHN Singub sameeyey, 5-Xorriyo AHN Singub uu iska lahaa, waxa kale oo uu metelay markii labaad Riwaayadii Ninba Tima xamar oo xili ku siman 1983kii Jabuuti lagu dhigay. Waxaanay wada jilayeen AHN Nadiifo Xaaji Axmed,
Allaah haw naxariistee Marxuum Cumar-Rooraaye waxa kale oo lagu xusuustaa,Β heeso kamid ah suugaantiisa oo uu ku sifaynayo Waajibka AskarigaΒ iyo kaalinta uu Qarankiisa ugu jiro, waxaana tusaale inoogu filan heesta
—–Anigu dablaan ahaanayaa
Naftayda waan la doodayaa,
Raaxada waan u diidayaa
Weliba waan sii dadaalayaa
Aabo dulqaad baan kaa rabaa
Hooyo ducaan kaa doonayaa
Danta dalkaan u daalayaa
Dirays inaan xidhaan Rabbaa
Cadowga daafacaan Rabaa
Dagaalka waan u horseedayaa.
Heestan oo kamid ahayd Riwaayadii Wad iyo wacad, oo uu iska lahaa AHN Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari), waxaa si fiican looga fahmi karaa hawsha Askariga.
Marka taas laga gudboΒ Β Waxaa kale oo jirta laba heesoodΒ oo mid uu isagu keligii ku luuqeeyo waxaana ereyadeeda kamid ah
βWaxaan ahay Askari
Amarkii la ii diro
Anigu waan ka adagahay
Heestan oo aan filayo in laga heli karo Kaydkii hore ee Idaacada Radio Hargeysa. Mudadii ay Somaliland jirtay waxaan daawaday 2.2.1999 Xaflad ka dhacday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu maamuusaayey aas-aaskii Meleteriga.
Waxaa kale oo kamid ah Heesaha Ciidamada ee AHN Cumar Xasan Rooraaye caanka ku ahaa hees ay si talantaali ah u wada qaadaan FanaankaΒ Salaad Maxamed Shardi (Salaad-Derbi). Waxaanay aad uga bixi jirtay Idaacadii Raadyow Muqdisho.
Ereyada heestana waxaa kamid ah
βMar hadaanΒ daljire ahay
U diyaara Nacabkii
Mar hadaan daljire ahay
Dugsanaaya shacabkii
Anigoo dagaalamaaya
Dalkayaga xumo u diidan
Oo wanaag ku diriraaya
Haku daato dhiigaygu.
Heestan oo iyadoo qaab kale loo tumayo,Β aan maalin ka dhegeystay Radyow Hargeysa.waxa si gaar ah uga daba jiibinaya Hablo fannaaniin ah. Labada jeer ee aan maqlay waxay ahayd mid aad u sarraysa marka ay ka baxayso Idaacaddii Muqdisho.
Waxa kale oo ka mid ah suugaantaΒ dhinaca ciidammada ee ku suntanΒ AHN Cumar XasanΒ Rooraaye,Β hees talantaalli ah oo ay wadajir ugu luuqeeyaan 1-Axmed Cali Cigaal, 2-Saynab Xaaji Cali (Baxsan), Khadra Daahir Cige iyo Cumar Xasan Rooraaye.
Heestan oo ay si cajiib ah u kala roganayaan Afartaa Fanaan oo saddex ka mid ahi geeriyoodeen waxaan filayaa in xiligeedu ahaa intii uu socday Dagaalkii 1977.Β Qisada ku duugan waaΒ sheeko u dhigan LabaΒ wiil ooΒ barbaartiiΒ Ciidanka ahayd ka mid ah,Β Β markii ay dagaalka kasoo noqdeenΒ iyagoo guushii xambaarsan, ayΒ is arkeen laba hablood oo sheeko guur ka dhaxaysay, intii ay Dagaalka ku maqnaayeena Inamadu ,
Habluhu waxay aad uga wer-werayeen, sida xaaladu ku dambayn doonto iyo Inay nolol isku arki doonaan Gacaliyeyaashoodii wacadka guur u dhexeeyay,Β farxaddii kulankooda ayaana midhaha heesahan lays weydaarsanayaa. Xaqiiq ahaan xikmadda heestan waxay markhaati cad ka tahay halku dhig waayahaas ay Hablaha geyaanku marka ay ragga kala xulanayaan caan noqday oo ahaa…
W/Q: Cali Mahad Yuusuf
La Soco Qaybta 3aad……