Waa 22kii bishii Abriilย 2023, oo maalintu ku beegnaydย Sabti,ย waxa lagu jiray maalintii labaad ee Ciiddul Fidriga,ย badiba sheekooyinka bulshada dhexdeeda marka laga yimaad warka iyo waayaha dunida waxaaย hadal-hayntu u badnayd faallada bishii barakaysnayd ee Ramadaan, qaybaha warbaahintana waxa aad uga socday salaamaha iyo hambalyada ciidda.
Heeso ku saabsan munaasabaddan oo maqalkoodu xusuus iyo waqti hore ku hor keenayaan ayaana meelo badan ka baxaayey.ย Hase ahaateeย ย casarkii dheeraa ammin ku siman ilaa 4:00 Pmย war xumi dugsi ma fadhiyee
Waxaaย baraha bulshadaย ku soo dhacay, dhambaal naxdin leh waa Geerida AHN Cumar Xasan Rooraaye,ย oo kamid ahaa Heesaagii ugu magaca weynaa Fankii xariirta ahaaย eeย Afsoomaaliga,ย wuxuu kamid ahaa xubnihii Magacoodu kaย dhex ifey Masrixiyadihiiย sida weyn looga daba dhacay,ย oo sheekooyinkooda iyo qisooyinkii ay xambaarsanaayeen,ย intii usoo joogtay ilaa haatan ay ka sheekeeyaan.
Waxaa xus iyo xusuus iga mudan markii iigu horeysay ee aan indhaha saaro AHN Cumar-Rooraaye, waa sanadkii 1980kii iyo Magaaladii Garoowe, waxaanay wadeen Riwaayadii XORIYO.
Dhacdadaย xiisaha gaarka ah lahayd waa Xaflad qado sharaf ah ooย madaxdii iyo masuuliyiintii Gobolka Nugaal ay u sameeyeen Hoboladii Waaberi ee Riwaayadaasi waday. Oo ka dhacday xaruntii Dalxiiska ee Garoowe.
Inkastoo daโ ahaan aan aad u yaraa, balse jawiga xafladaas sidaย xaalkeedu ahaa iyo wejiyada akhyaarta madashaasi ku kulantay wax aan aad uga bogtayย ย ย Sawiro xusuus ah oo maalintaasi laga qaaday Fanaaniintaasi.
sawiradaas oo korjado dhan ka koobnaa waxay ooli jireen Gurigayaga inkastoo aanu dhowr Magaaloย u kala guurnay,ย waxay soo gaadheen ilaa 1985kii.oo aanu deganayn Muqdisho.
Waxaan marar badan usoo joogay iyadoo la faalaynaayoย oo magacyadooda la sheegayo dadka sawiradaas ku jiray, oo ayย kamid ahaayeen
Badhasaabkii Gobolka Nugaal AHN Axmed Maxamed Isaaq (Karakuus), Maayarkii Garoowe Cali Xaashi Baraale, Taliyihii Qaybta Booliska AHN Maxamed Cige, Taliyihii Nssta AHN Yuusuf Saleebaan, Taliyihii Guutada 28aad AHN Xasan Yoonis Habane, waxa kale oo kamid ahaa Jaamac Cali Xasan (Gaashaan-cade), oo aanย ย filayo inuu yahay masuulka keliya ee ka nool dhamaanba madaxdii Heer Gobol iyo degmo.
Sawiradaas waxaa kale oo ku dhamaaย Hobolada Waaberiย oo Ud-bahoodii iyo dhigahoodiiba u dhan yihiin, gaar ahaan intii waday Riwaayadaasi XORRIYO. Oo tiradoodu marka laysku wada daroย ilaa raggaย ย muusika tumaya, dhowr iyo labaatan qof ka koobnayd, balse maanta ay ka Nool yihiin Saalax Qaasin, Seynab Cige iyo Qamar C/laahi Harawo.
Waxaa kale oo xusid mudan in Sawiradaasi lagu kala saaray dhowr qof oo ku murmay AHN Maxamuud C/laahiย (Singub) oo ahaa Abwaanka Riwaayada,ย dad badaninaย u haysteen iyagoo Naanaystiisa tixraacaya inuuย Sankiisu Madow yahay. Waayahaasna waxaa isimkiisu caan ku ahaa (Sangub) Hase ahaatee murankaas waxaa soo afjaray Sawirada laga qaaday.
Markaan dib ugu laabto Waayahii faneed ee AHN Cumar Xasan Rooraaye,ย wuxuuย kasoo bilaabmayay horaantii Sanadihii Lixdamaadkii.
Waayahaasna Fanaanku wuxuu ku cadaย Macalin si dhab ah uga turjuma dareenka Shacabka, marka laga yimaado culumada diintana waxay ahaayeen cida 2aad ee waanadooda iyo wargelintoodaย ย ย ย umadu yar iyo weyn dhegeysato .
Geediga dheer ee Fanka AHN Cumar-Rooraaye iyo ragii ay isku waqtiga ahaayeen wuxuu kasoo bilowday,ย heerka uuย taagnaaย wacyigiiย siyaasadeed ee sanadihii Lixdanaadkii sida uu ahaa, iyo aragtida ay kala qabeen shacabka iyo Xubnihii siyaasiyiinta ahaa, waxaana tusaale cad inooga filan Riwaayad waayahaasi la soo bandhigay oo uu aktarka koowaad kaย ahaa heesaha ku jirayna ay ka mid ahaayeen.
W/Q:ย Cali-Mahad Yuusuf
La Soco Qaybta 2aad…….