โHawlgaladii Ciidanku sameeyey waxa ugu badnaa Gobolka Sanaag, shaqaaqadii Ceel-Afweyn iyo Dararweyne oo innagu fogaatay, Ilaahay mahadii nabad baa laga gaadhay, iyo shaqaaqadii innamadii la khadlay, oo nasiib wanaag imika Ciidanka Qaranka ka mid noqday.
โCiidanka Qaranku meeshuu dego wuu camiraa, waxa tusaale ugu filan Tuka-raq iyo Yubbe manta waa magaalooyin waaweyn, dadka deegaankuna way garanayaan siday ahaan jireen iyo markuu ciidanku gaadhay siday noqdeen
โCiidanka Qaranka maanta jooga, Ilaahay baa siiyee, wuu ka akhlaaq, Anshax, Dishibiliin wanaagsan yahay, ciidamadii aan xukumi jirnay markii Koonfur (Soomaaliya) aynu joognay, wax aka markhaati ah shacabka. Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan Ciidanka Qaranka, Xaasaskooda sannadguurada 26-aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka JSL, Ilaahay ka baryayaa inuu bashbash ku gaadhsiiyo sannadka xiga”.