Berbera, (SLpost)- Ciidanka Nadab Galyada Wadooyinka ee Gobolka Saaxil, gaar ahaan Degmada Berberaย ayaa Saaka Shaqooyinkii ka joojiyey, Gaadiidka yar yare ee loo yaqaan Bajaj ama Tigta, ee isaga goosha qaybo ka mida Xaafadaha ama Goobaha ganacsi eeย magaalada, isla markaana ay raacaan dadwayne kala duwan oo iyagu ku dhaqan Magaalada Berbera.
Talaabadan ay qaadeen CNW ee Gobolku ayaa ku ka danbaysay ka dib markiiย Dareewalada iyagu wada Bajaajta laga waayey Liisankii wada marista ee u ogolaanaya in ay maraan wadooyinka ay maraan Gaadiidka waaweyn, iyo kuwa raaxada si looga hortago shilal ay gaystaan Dareewalo aan iyagu lahayn xirfada wadida gaadiidku.
Mid ka mida Masuulyinta CNW ee Berbera oo aanu arrintan wax ka waydiinay arrintan lagu soo xidh xidhay Gaadiidka yar yare e Bajaaj, ayaa waxaa uu yidhi โ waa hawshayadii caadiga ahayd ee aanu awalbaย qaban jirnay, qoladan Bajaajtana waxaa loo soo xereeyay, waxaa laga waayey Liisankii wado marista, waxaa kaloo jira qolo aan wadanka u dhalan, taana waanu baadhaynaa,ย markaa waa baadhis arrimhaas ku saabsan.
Talaabadan oo qadar hakad galisay isu socodka Dadwaynaha, ayaa hadana waxaa dhinaca kale noqonaysaa in la hubiyo aqoonta Dareewalada wada Gaadiidkan, waxaana jirta in qaar ka mida Raga iyagu wada Bajaajtu ay ku socdaan xawaare sare,ย isla markaana ay Gaadiidka kale ka dhaafaan haadka khaladka ah, iyaga ooย doonaya in ay ka horeeyaan, mid noociisa ah isaga oo sida ilaa 6qof, taas oo ay Dadwayne farabadani cabasho ka muujiyaan, gaar ahaan Haweenka oo iyagu inta badan raaca Bajaajtan.
Waxaa dhar jeer ka dhacay wadooyinka Magaalada Berbera oo iyagu u badan kuwo laami ah, shilal ay isku dhaceen Gaadiidka Bajaajta iyo Baabuur kale, taas oo inta badan ay qaladka yeeshaan, Masuulka ama Dareewalka, wada Bajaajtu.
Waa markii u horaysay ee ay CNWย qaadan talaabo noocanย noocan oo kale ah taas, ooย lagu hubinayo Liisamada Dareewalada Gaadiidka Bajaajta, taas oo hadii ay hirgasho wax wayn ka tari doontaย cabashadii iyo baqdintiiย ay bulshada iyagu adeegsada raacidaย Gaadiidkan, ka qabeen Dareewalada iyagu wada Gaadiidkaas.
SLpost News Desk
yaasiin_29@rocketmail.com