Sicily(SLPOST)Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa sheegay in ay badbaadiyeen inka badan 2,000 muhaajirin Afrikaan ah oo si sharci darro ah kusoo safray dalkaa.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Badda ayaa sheegay in dadka laga soo badbaadiyey xeebaha Sicily xilli ay la socdeen ilaa 13 doomood oo ay aad iskusoo buuxiyeen.
Arrintaan ayaa kusoo beegmatay saacado kadib markii dalka Spain ay si sharci darro ah ku galeen ilaa 500-muhaajirin afrikaan kale.
Sanadwalba, Badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga waxaa naftooda ku biimeeya kumanaan kun muhaajirin Afrikaan oo ay ku jiraan Soomaali, waxaana ay doonayaan in ay nolol cusub sameystaan.