Chelsea iyo Milan oo ku gudo-jira qorshe ay isku dhaafsanayaan Torres and Robinho

0

SLpost Sports – Kooxda Chelsea ayaa laga yaabaa inay Xiddiggooda Fernando Torres ku wareejiso kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan oo beddelkiisa ay kala soo wareeji doonaan labada Xiddig ee Baraasiliyaanka ah ee Robinho iyo Alexander Pato midkood, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Talyaaniga.

Fernando Torres

Torres ayaa gool kaliya dhaliyey tan iyo intii uu Liverpool kaga soo wareegay qiimo dhan ยฃ50milyan bishii January waxaanu ilaa wakhtigaas halgan ugu jiray sidii uu ula qabsan lahaa nolosha iyo qaab-ciyaareedka garoonka Stamford Bridge.

Kooxda Milan oo seegtay fursad ay sannadkii 2007 kula wareegi lahayd wakhtigii uu Liverpool kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid isla markaana ilaa wakhtigaas ku hamiyay inay gacanta ku dhigaan, wakhtigan xaadirka ah waxay diyaar u yihiin inay ka faaโ€™idaystaan fursadda la-qabsi laโ€™aanta ee Chelsea ku haysata si ay ugu beddelaan xiddiggooda Robinho.

Haseyeeshee, waxa la sheegayaa in kooxda Blue lagu naanayso ay door-bidayaan weerar yahanka daโ€™da yare e Pato, sida laga soo xigtay telefishanka Ciyaaraha ka faalooda ee Sportmediaset oo iska leeyahay raysalwasaaraha Talyaaniga iyo mulkiilaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi.

Robinho

Robinho ayaa sannadkii 2008 ku sigtay inuu ku biiro kooxda Chelsea balse waxa gacanta ku dhigtay Manchester City oo uu qiime dhan ยฃ32.5 m kaga soo wareegay Real Madrid, balse ย ka dib wakhti xun oo uu ku qaatay City, waxa uu ยฃ15m ugu wareegay kooxda AC Milan.

Torress ayaa soo sallaxay labadii gool ee Chelsea kaga badisay Bayer Leverkusen kulankii Champions League ee habeenkii Salaasadaย  taas oo sababtay in Chelsea ay xusuusato qiimihii lacageed ee kaga baxay xiddigan hore uga tirsanaa kooxda garoonka Anfield.