โAad baan ugu mahad naqayaa ย ย shaqaalaha iyo maamulka Dekeda ooย ย hawl wanaagsan qabtay, ย waxaanan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen eeย ย hambalyoโ Madaxweyne Siilaanyo.
Berbera, (SLP)- Marsadda caalamiga ah ee Berbera oo ah ishaย dhaqaale ee ugu weyn ee ay leedahay Somaliland ayaa mudooyinkan danbe waxaa ย lagu sameeyay balaadhin iyo casriyayn, iyadoo lagu soo kordhiyay qaybo badan lagana dhigay mid ay markiiba ku soo xidhan karaan ilaa 3-markab oo waa weyn iyo ilaa 6-doonyood.
Waxaana ka mid ah qaybaha lagu soo kordhiyayย in la sameeyay qayb u gaar in laga sooย dejiyo bagaashka ama alaabooyinka u socda magaaladda wajaale, taasi oo iyadna fududaysay hawlaha shaqo ee dekadda.
Sidoo kale waxaa la filayaa in dhawaan isbedel lagu sameeyo qaabka ay u shaqayso dekadda Berbera hada lagana dhigayo mid casri ah, iyadoo la doonayo in habka ay imika u shaqayso laga guurro lagana dhigo mid horumarsan oo ah Computerized ahย si ay u noqoto mid la jaanqaadaysaย dekadaha caalamka.
Dekadda Berbera ayaa waxaa Somaliland uga soo dega dhamaanba qaybaha kala duwan ee ganasiga uga yimaadda wadamadda dibadda waxaanay taasi qayb ka tahay in Berbera ay Somaliland u soo jiiday ama u suurto gelisay in ayย ku soo xidho inย wadamo badan uu dhexmarro xidhiidh ganacsi.
Dekadda Berbera ayaa sanadahan waxaa laga hirgeliyay mashaariic badan, kuwaasi oo wax weyn ku soo kordhiyayย hawlaha shaqo ee dekadda. Qorshahan la doonayo in lagu bedello nidaamka shaqo ee dekadda Berbera ayaa ah mid la doonayo in dekadda lagala mid dhigoย dekadaha ย caalamka si ay ula jaanqaado horumarka iyo casriyayna laga gaadhay adeegsiga Tignoolajiyadda ee dhinac walba.
Horumarka balaadhan ee dhinacayadda badan leh ee lagu sameeyay dekadda magaaladda Berbera ayaa si weyn loogu amaanayย in uu libteedda leeyahay maareeyaha dekaddaasi Eng. Cali Xoor-xoor, iyadoo mudaddii uu halkaasi joogay ay dekadu ku talaabsatayย horumarย la taaban karro.
โAad baan ugu mahad naqayaa guud ahaanba ย shaqaalaha iyo maamulka Dekeda ooย ย hawl wanaagsan qabtay iyo dhalinyarradan sida hagar laโaanta ah dhismaha uga qayb qaadanayaaba,ย waxaanan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen eeย ย hambalyoโ sidaasi waxa yidhiย ย Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay kadib safar shaqo oo uu Berbera ku tegay dhawaan xili uu kormeer ku soo maray balaadhinta iyo casriyaynta lagu sameeyay dekadda Berbera.
Dhinaca kale Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.ย Cali Xoor Xoor, ayaa isna madaxweynaha uga warbixiyay hawlaha balaadhinta iyo casriyaynta ah ee lagu sameeyay dekadda, waxaanu yidhi โMudane Madaxweyne, waxaaย noo sharaf ah in aad nagu soo kormeerto wajiga labaad ee balaadhinta barxadda weyn eeย Dekada oo aanu ugu tallo-galnay koonteenarrada buuxa maantaย waxaa shaqaynaya Geelle A. ooย ย noo soo diray 80 nin oo ka mid ah kuwaasoo aan wax kharash ahna aan naga doonayn laakiin iskaa wax u qabso ku shaqaynaya,Mudane Madaxweyne waxaa noo qorshaysan in aanu muddolaba bilood ah ku dhamayno qaybtan labaad oo noqonaysa illaa saddex higtar oo shub ah iyo qurxitoodaba.โ
Eng. Cali Xoor-xoor, ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay qalabka casriga ah ee lagu soo kordhiyay looguna tallo galay in ay fududeeyaanย habsami u socodka hawlaha dekadda si ay dekadu ula jaan-qaado dekadaha caalamka. โFaaโiidadaย qalabkan cusubi ee casriga ahi u leeyahay dekedda, waxa bilaabmay xilligii shaqada ee dekedda waxaa laga baxay xagaagii waxa bilaabmay bad furankii, markaa badeecado dheeraad ah ayaa iman doona oo lagu rogayaa qalabkan, waxaanu wax weyn ka tari doonaa hawlaha rogista iyo rarista ee dekeddaโ ayuu yidhi maareeyahay dekaddu.
ย Noocyadda ย Qalabka ย Cusub Ee ย Loo Soo Iibiyay Dekadda Sanadihii U Danbeeyay
Dekadda Berbera ayaa waxaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay loo soo iibiyay noocyo kala duwan oo qalab, gaadiid iyo agab kale oo ah kuwo ay ku shaqyso dekadu kuna fuliso adeegyadda ay bulshadda u qabato, kuwaasiย oo isugu jira qaybo kala duwan.
Maareeyaha dekadaasiย ย Eng. Cali Xoor-xoor, oo ย faahfaahin ka bixinayay qalabkaย aad u faro badan ee dekadda loo soo iibiyay sanadihii u danbeeyay, waxa uu yidhi โBishii jan, Wakaaladda Dekedda Berbera waxa u qobsoomey in loo soo gado (iibiyo) qalab hoos ku xusan, kuwaas oo shaqadda Dekedda si-mug-leh uga qayb-qaadanaaya:
KALMAR REACHSTACKER 45TON (brand new), Mishiinkan waxa loo soo iibiyey barxadda container, waana mishiinadda ugu casriyeysan marka loo eego qalabka lagaga shaqeeyoย ย Dekedaha, waxa uu awood u leehaya 45 ton, waxaanu is dul-saari karaa 5 โ 6 container oo buuxa.Waxa uu Dekedda Berbera soo gaadhayaa horaanta bisha November 2013. Labaddan gaadhi ee waaweyn waxa uu mid kastaa wataa buudhi 40ft ah, waxa loogu talo galey daabulka containers-ka soo dega, Labaddan Baabuur waxa la soo iibiyey bishii
KALMAR: EMPTY CONTAINER HANDLER (brand new), Mishiinkan waxa uu awood u leeyaha in uu is dul saaro 6 โ 8 container oo faaruqa, waan mishiinadda ugu casriyeysan wakhtigan ee loogu talo galey in lagu raseeyo containers-ka, Mishiinkan waxa uu Dekedda Berbera soo gaadhayaa (Insha Allah).
40FT TRAILER. Bishii Marchย waxa qaybta container loo soo gadey 4 boodhi oo mid 40ft ah, kuwaas oo qayb ka ah daabulka container ee barxadda.ย Toyota Granda, Baabuurka waxa loo iibiyey saraakiisha Socodka Badeecadda eek a hawl-gala barxadda, waxaaney qayb ka tahay tayeynta shaqadda iyo shaqaalaha.Waxa la soo iibiyey June.ย TOYOTA NOAHย ย (2 Units), Baabuurtan waxa loogu talo galey in ay u adeegaan shaqaalaha xafiisyadda ee wakhtiyadda kulul shaqeeya, Labaddan baabuur waxa la soo iibiyey March,.
Mercedes Benze (Special truck for Fire brigade), Baabuur dab-demis oo awood u leh gurmadka magaaladda Berbera iyo gobolkaba. Waxa la soo iibiyey July, KATO MOBILE CRANE: Wiish awood u leh dejinta/rarista badeecaddaha, kaas oo qaadi kara culays dhan 20 tan, waxaanu ka hawl-galahaa barxadda iyo doonyaha, Waxa la soo iibiyey, KATO MOBILE CRANE, Wiish awood u leh dejinta/rarista badeecaddaha, kaas oo qaadi kara culays dhan 25 tan, waxaanu ka hawl-galahaa barxadda iyo doonyaha
TOYOTA FOLK LIFTER, Waxay awood u leedahay qaadista 10 tan, waxa ay ka hawl-geli kartaa badeecaddaha barxadda la dhigo iyo gurrista containers-ka, Waxa la soo iibiyey Aug, NISSAN TRUCK (TIMPER).
Baabuurka waxa loogu talo-galey qaybta dhismaha gaar ahaan daabulka ciida, caro-kaawadda iyo jayga. Waxa la soo iibiyey June , Suzuki Vitaraย ย (4 door), Baabuurtan waxay la hawl-galayaan saraakiisha Dekedda iyo heeganka guud, waxaaney qayb ka yihiin tayadda shaqadda iyo shaqaalaha. Waxa la soo iibiyey Sept, Mafi Truck head Baabuurka weyn waxa loogu talo galey jiidista boodhiyadda Container-ka 40ft ah.
Somalilandpost
Hargeisa Office