Marka hore salaan suuban ayaan hawada u marinayaa dhamman dadka qimaha badan ee af-Somaliga ku hadla meel wal oo ay ka joogaan dacalada aduunka salantaas oo ah ta ugu qiimaha badaan salamaha dadku isku salamaan Asalamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuh .Salaan kadib waxaan manta unki doonaa qormooyin gaagaaban oo taxane ah taas oo aan ugu magac darey Casharadii aan ka bartey doorashadii Somaliland .
Akhristaha qiimaha iyo karamada badanaw waxan rajeynayaa in aad ila jaan qaadi doonto oo aynu wada fahmi doono casharadaas Waxan kuugu soo ban dhigi donaaa qaabka ugu fiican ee aad ku fahmi kartid u jeedada ay xanbarsantey qormooyinkan gaagaban ee taxanahaa.
“Maxaad war haysaa?” Wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan hayaa dalka oo ay ka dhacday doorasho XOR iyo XAARAAN AH!” Kuye; “Maxaad ka waddaa?” “Waxaan ka wadaa, Xor bay ahayd oo cidna lama qasbin, balse xaaraan bay ahayd oo cid waliba musuq-maasuq bay samaysay, dadweynaha oo ku celceliyayna ku dhahoo!!”
Doorahshadii deegaanku Markey dhammaatey ka dib ayaan kafateeriya kafeega laga cabo soo fadhiistey goor galab ah waxan isku miis noqoney Nin ka mid ahaa musharixiintii u tartamey Dorashadii Golaha deegaanka Somaliland balse an ku guuleysan in uu ku soo baxo dorashadaas.
Ninkaas waxa uu u eekaa qof aad iyo aad ugu hanweynaaa in uu ku soo baxo doorashada madama uu ka soo jeedey reer cudud iyo dhaqaleba isku filan lakinse nasiibku sidaas ka dhigey .
kafeegii waxan cabno oo xaraaradii shaahu shax naga soo yiri waxaan gudo galey in aan wareysto musharaxan iyo dareenkiisii
wareysigii na dhex marey sidan ayuu ahaa:-
Maxadka faa’iidey doorashadii golaha deeganka ee aad u tartameysey? inta wajigii sii uu si toos ah iisoo qaabil siiyey joojiyeyna dhaqdhaqaagii fadhiga ayuu si niyad ah iigu yiri “Ducaysane walal wax an ka faa’iido iska dhaafe anigii ayey wax iga faa’iideen” Cajiib !!!!
Su’al labaad ayaan weydiiyooo waxan ku iri in wax lagaa faa’iido maney ahayn wuxuu iigu jawaabtey “ weytey in bulshadu wax iga faa’iido ee mey ahayn in dawladu iga faa’iido iyo Xisbul xaakimku”.
Kamaan deyn Ninkii su’alihiye intaan yaabey ayaanku iri oo Maxaa isku kiin keeney adiga iyo Dawlada?. Lakinse sidey kaaga faa’iidey ? inta uu hadalkii si kalsooni ku jirto u qaatey ayuu iigu jawaabey “ ma ogtey in Dawladu dadkii musharixiinta ahaa ee dadweynuhu soo doorteeen ay boobtey oo cidey dooneysey soo saartey cidey necbeydna xashiishkii dawlada hoose dadka ka nadiifineysey oo kaleh u nadiifisey”.
Lasoco qaybaha danbe ……………………
Axmed-wali Xiis Cabdi ( Ducaysane )
Dhaashane1@gmail.com / nasiib_12@hotmail.com