Runtii waxaa wax laga naxo/laga xishoodoย ah go,aanka la sheegay in uu ka soo baxayย shir ka dhacayย Guriga Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,Md.Daahir Riyaale Kaahinย 29/03/12,shirkaas oo la sheegay inย dib loogu dhigayย Murashnimadii Madaxweynenimada ee Xisbiga UDUB,laguna laalay go,aan ay guddida fulinta ee Xisbiga UDUB hore u gaadheen,oo ahaa in Jamal Cali Xuseen loo doortay in uu noqdo Musharax Madaxweynaha ee Xisbigaย UDUB Doorashooyinkaย soo socda .
Haddaba anigooย ah Abdi M.Saleiman(Mingiste) iyo Xubno badan oo kale kanaย mid ah Golaha dhexe Xisbiga UDUB,waxaanu u aragnaa Go,aanka ka soo baxay Guriga Gudoomiyaha Xisbiga sidan:-
- Xeerka Xisbiga UDUB meelna kagama jirto in Guddida fulintaย ee Xisbigu ayย shirku qabsadaan Guriga Gudoomiyaha ,kana soo saaraan Go,aano quseeya howl maalmeedka Xisbiga,Guriga Gudoomiyuhu waa goob deganaasho u gaar ah qoyska Gudoomiyaha.Guddida fulintu waxay ku shiri karaan oo keliya Xarunta
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Xisbiga,Xafiisyada kale ee Xisbiga iyo goob la kireeye sida hoolalka hotel-da iwm.
- Meelna kagama jirto Xeerka Xisbiga UDUB in Gudoomiyaha Xisbigu uu laali karo go,aan ay gaadhay G.fulinta ee Xisbiga UDUB,awoodna uma lahaย laalista go,aanada G.fulinta.Xiligii Guddida funtu ay gaadheen goaanada Musharaxiinta, Dalka wuu ka maqnaa Gudoomiyaha UDUB,shirka waxaa shirgudoominayey G.ku.xigeenkaa Xisbiga, Doorashada Musharaxnimaduna waxay u dhacday si waafaqsan Xeerka Xisbiga.
- In u dhaxaysa laba shirweyne ee Xisbiga waxaa awooda hawl maalmeedka Xisbiga iska leh Guddida fulinta,cida burin kartaana waa Golaha dhexe oo keliya,Gudoomiyahana waxaa fiican in uu tixgeliyo Xeerarka Xisbiga uu Gudoomiyaha u yahay.
- Xisbiga UDUB ,waxaa XUBIN firfircoon ah,xubinta u hurta maal—maskax iyo mabda.
- Xunin firfircoon kama aha UDUB,ย shaqsiyaadkii Xisbiga ku soo galay Xilalkii ay ka hayeen Dowladii ugu dambaysay ee ay UDUBย madaxda ka hayd,Xilkaย aad ka qabatay ย Dowladii hore UDUB kuma noqon kartid.
ย
Waxaa la gudboonaa Gudoomiyaha Xisbiga UDUB qodobadan:-
- In uu isgu yeedho Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB si ay go,aan uga gaadhaan muaranka ka dhashay goaanka G.fulinta ,sababtoo Golaha dhexeย waaย Golaha iska leh awooda goaanย ka gaadhista arimaha ย murugsan ee Xisbiga.
- Gudoomiyaha Xisbigu wuxuu isgu yeedhi kari lahaa labada garab,wuxuuna isugu keeni kari lahaa meel dhexe si loo badbaadiyo Xisbiga UDUB.
- Gudoomiyaha wuxuu raaci kari lahaa cidda ย uu u arko in ay shuruudihii buuxisay,(Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gari laba kama wada qosliso),ceebna may ahaateen haddiiย koox garta laga helo.
- Gudoomiyaha Xisbiga UDUB waxaa la gudboonaa in uu badbaadiyo Xisbigii uu Madaxweynaha ku noqday,taariikhda ku galay,ahaadana odaygiisi,dhexdhexaadna u ahaado dhamaanba bahweyna Xisbiga UDUB.
- Ugu dambayntii waxaaย ku haboonayd Gudoomiyaha Xisbga UDUB Md.Daahir Riyaale Kaahin,dhowrsta Xeerarka Xisbiga—- ururinta bahweynta Xisbiga UDUB—- badbaadinta Xisbiga UDUB iyo talo ka fiican tii uu kaga dhawaaqay Gurigiisa 29 March 2012.
Tallo soo jeedin:-
- Waxaa la gudboonย cid kasta oo danaynaysa Xisbiga UDUB in ay uย guntato sidii loo badbaadin lahaa Xisbiga UDUB .
- Waxaa la gudboon Guddidaย fulinta ee Xisbiga UDUB in ay sida ugu dhaqsaha badanย fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaanย Xilkana ka qaadaan Gudoomiyaha iyoย ku Xigeenkiisaย lana doorto GUDOOMIYE IYO KU XIGEEN CUSUB si loo badbaadiyo Xisbiga. UDUB.
- Waxaa aadย iyo aadย u mihiim ah in lagu dhaqmo go,aankuu Gudida ย fulinta eeย hore loogu doortay Musharax Xisbiga UDUB.
- Haddiiย Guddida fulintu ay ogolaatoย go,aan ku sheega ka soo baxay Guriga Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,waxaan qabaa in ay UDUB dhimatay,Dimuqraatiyadiiย ay UDUB mudad dheer soo hogaaminaysayna ay hogdheer ku dhacday.
Hadal iyo dhamaan mushkilada UDUB haysataa xilligan waa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku Xigeenka ee sida ugu dhaqsaha badab ha isu casileen amase Guddida fulinta talaabo cad ha ka qaadeen.
ALLAAย ย ย ย ย ย MAHADย ย LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)