AARAAR
Anagoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige) ayaa halkan Saxaafadda Madaxa banana waxaan ku soo gudbinayaa Qormo ah Cambaarayn iyo Canaan Muwaadinimo oo ku waajahan Guddida KDQ, oo aan kaga hadlayo khaladka Asbaabta Goβaanka Cayimidda Maalinta Qabashada Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanada ee Guddida KDQ ay ku dhawaaqeen 12/08/2012, iyadoo Qormooyinka Dambena aan ku soo bandhigi doono Xaaladda Baβan ee Aasaaska Sharci ee Dhismaha Komishanka Doorashooyin Qaranka, si loo fahmo NUSQAANTI SHARCI iyo Xeer-Xumadu inay tahay ta keenta Dhinaanshaha Madaxtinimo iyo Tallaabooyinka Argagaxa Maamul-Xumo. Waxa kale oo qormooyinkaas aan ku soo gudbindoonaa TALLAABOOYINKA KHALDAN EE AY QAADEEN ee ay qaadeen ka Goβaankii 20/04/2012 ee Guddida Diiwaan gelinta iyo tirada soo Celcelimihii Wax ka bedeladii Xeerarka iyo Ujeedooyinka khaldan ee lagu salaynayey.
Guddiga Komishanku waa Hayβad Dawli ah oo ku suntan sifo QARANIMO oo waxay ahayd inay laΒ yimaadaan oo ay muujiyaan Waynaantii, Fogaan–Aragnimadii, Dulqaadkii iyo Waayeelnimadii Daawladnimo. Nasiib daro may dhicin taasi.
ASBAABTA KHALDAN EE GOβAANKA GUDDIDA
KOMISHANKA DOORASHOOYINKU Ku Tr. 12/08/2012
Tixraac Wargeyska SAXANSAXO Tirsi 1637 Isniin 13 August 2012, ayaa Asbaabta Goβaanka Guddida Komishanka Doorashooyinku waxay u dhignayd sidan:-
βKomishanka Doorashooyinka Qaranku Markuu Eegay Duruufahaa oo Dhan ee Qodobka 8aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada oo awood u siinaaya Guddida Doorashooyinku inuu Cayimo Xiliga ay dhacayso Doorashadu; Qodobka 14aad Faqaddiisa 1aad oo isna sii xoojinaya awoodaay Komishakanku u leeyihiin Taariikhda inay sheegaan; Markii uu arkay Goβaanka Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta ay ku soo kala saareen Ururadaβ
MABDAβIYAN SHARCI AHAAN RAFCAANKU WAXA UU HAKIYAA FULINTA, iyo Tallaabooyinka kale ee Wax qabad ee la xidhiidha Goβaankaas laga soo Rafcaan qatay taas oo ah Mabdaβ Qaanuuni ah (Legal principle) oo dhigaya in haddii goβaan rafcaan laga qaato in la joojiyo wixii goβaankaasi fulintiisa la xidhiidha oo dhan, sida Asbaabtan Goβaanka Cayimaadda Maalinta Doorasho ee Komishanku uu ku dhawaaqay 12/08/2012, markaas ilaa inta goβaan kama danbeysa kasoo baxayo Maxkamadda Sare aanay ahayn in la qaado talaabadan oo kale taasina ay sharciga sidaa uga soo horjeedo.
– Asbaabta Goβaanka Guddida KDQ ee 12/06/2012 waxay lid ku tahay Karaamada iyo Masuuliyadda Mihnadda Qareenimo ee aniga iyo Sharciyaqaanadii kale ee Qareenada u ahaa Ururadaas ee Maxkamadda Sare uga hordoodayey.WAAYO, Qaddarin laβaanta Guddida KDQ ay qaddarin waayeen Dacwadda Ururada Siyaasadda ee ka Furnayd Maxkamadda Sare ee JSL iyo Sababta Cuskashada Guddida KDQ ay Goβaankooda CAYIMIDDA Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanada la qabandoono ay u cuskadeen Goβaan ku sheega Dacwaddu ay taagan tahay ee Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta ay soo saareen ee ku Taariikhaysnaa 20/04/2012 ee ay ku sheegtay in lagu kala reebay Ururadii Siyaasadda ee hore loo Diiwaageliyey ee haystay Shahaadada Ogolaanshaha ku-Meel-Gaadhnimo Ururnimo-Syaaysadeed, ayaa arrintaasi waxay tahay arrin si dadban Meel loogaga Dhacay Sharafka Qareenimo ee Mihnad ahaaneed oo waa arrin Tilmaamaysa in Qareenadu ay Muwakiliintoodii ay HODNEEN oo si Indho laβaan ah ay Qareeno uga noqdeen, ugana hor doodeen Maxkamad Sare oo WAQTI-LUMIN iyo GACMO-DAALIS ah, Oo Aan Lahayn Wax Qaddarin, Awood iyo Wax Tixgelin Sharci Ah. Taasi oo ah mid xaqiiqada ka fog, oo lid ku ah dhammaan Qareenada ka hawlgala Maxkamadaha Dalka iyo Sharciga Qareenada ee Dalkani uu samaystay.
– Asbaabta Goβaanka Guddida KDQ ee 12/06/2012 waa arrin YEEDHIN ah (Dictation) iyo Hordhig ah oo Guddida KDQ ay doonaayaan in Maxkamadda Sare ee JSL ay raacdo oo ay Ayiddo Goβaanka Maamul ee Khaldan ee Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabtu ay soo saareen ee ku taariikhaysan 20/04/2012 ee lidka ku ah Xuquuqaha Siyaasi ee Muwakiliintayadii ahaa Ururada Siyaasidda ee Maxkamadda Sare u Dacwad tegay;
– Asbaabta Goβaanka Guddida KDQ ee 12/06/2012 waxay IHAANO iyo KARAAMO DIL ay ku tahay Maxkamadda Sare; Hayβadaha Garsoorka Dalka iyo Dhammaan karamka Garsoor ee JSL;
– Asbaabta Goβaanka Guddida KDQ ee 12/06/2012 waa arrin Tilmaamaysa in Ciddii ka soo horjeesata ee aqbali wayda Goβaanada Maamul ee Khaldan ee ku salaysan Rabitaanka Khaldan ee ay soo saaraan Guddiyada Diiwaangelinta iyo Guddida KDQ aanay jirayn Hayβad Sharci oo looga cabasho tago oo Burrin karta Goβaanadooda Maamul;
Asbaabta Goβaanka Cayimidda Guddida Komishanka Doorashooyinku wuxuu lid ku yahay Qodobadan Sharci ee soo socda:-
Qodobka 28 (1-2) ee Dastuurka JSLΒ oo ah XAQA DACWO ee Muwadiniinta iyo Qodobka 97 (1-2) aad ee Dastuurka JSL oo ka waamaya Hawsha iyo Ujeedada Qarankani uu u samaystay Hayβadaha Garsoorka Dalka JSL;
Qodobka 4aad, 9aad, 10 (2), 22(1-2), 23 (3), ee Dastuurka JSL;
Qodobka 14(1) ee International Covenant on Civil and Political Rights (ICCPR) oo u dhigan sidan:- βeveryone shall be entitled to a fair and public hearing by a competent, independent and impartial tribunal established by law.β
Qod. 25(a-b) ee (ICCPR) oo u dhigan sidan βEvery citizen shall have the right and the opportunity, without any of the distinctions mentioned in article 2 and without unreasonable restrictions:(a) To take part in the conduct of public affairs, directly or through freely chosen representatives;(b) To vote and to be elected at genuine periodic elections which shall be by universal and equal suffrage and shall be held by secret ballot, guaranteeing the free expression of the will of the electors;(c) To have access, on general terms of equality, to public service in his country.β
Qodobka 7aad (UDHR) βto equal protection of the lawβ
Qodobka 10aad ee Cahdiga (Universal Declaration of Human ights [UDHR]) oo u dhigan sidan:- βEveryone is entitled in full equality to a fair and public hearing by an independent and impartial tribunalβ
Qodobka 21(1-2-3) ee (UDHR) βthe right to take part in the government of his countryβ
Qodobka 20aad (UDHR).
Β TALOOYIN SHARCI
Maxkammada Sare ee JSL ee sharafta iyo Qaddarintaba mudan waxaanu ugu baaqaynaa:-
– In ay ilaashato Karaamadeeda, Awoodeeda, Madaxbanaanideeda, Dhexdheaadnimadeeda, iyo Kalsoonida Muwakiliintayada iyo Bulshada Somaliland; Waxase xaqiiqo ah ina Maxkamadda Sare iyo Dhammaan Hayβadaha Garsoorka Dalku inay jiraan Duruuf adag oo ku xeeran, Xeerar Xumo iyo INDHO LAβAAN Maamul-Xumo ee Xukuumadda oo dhammaan ay yihiin arrimo aan u saamaxayn inay ilaa shadaan Karamkooda Garsoor;
– In Sharciga hortiisa ay ku Difaacdo Xuquuqda Siyaasadeed ee Muwakilayntayada ah Ururnimo Siyaasadeed ee Maxkamadda Sare u soo dacwooday ay ku leeyihiin Sharciga hortiisa, isla markaana Maxkamaddu ay muujiso Aqoonteeda Sharci iyo Muggeeda Qiyam;
BAAQ KU SOCDA URURADA SIYAASADDA EE DACWOODAY
Waxaanu ugu Baaqaynaynaa Ururada Siyaasadda ee aanu Qareenka iyo kuwa kale ee mudan in loo fidiyo Hiilka Sharci ee Tabliiqinimada-Sharci arrimahan soo socda:-
– In ay Dejiyaan Dareenkooda oo ay Ku Xasilaan Sharciga oo ah shayga Sugay ee Difaacaya Xuquuqahooda Siyaasadeed, iyo in aad ogaataan in aad Guulaysateen ka dib markaad u Dacwad tagteen Maxkamadda Sare ee Sharciga ah. Rabitaanka Maxkamaddu waa wax la saadaalin karo (Predictable Will) oo waa Rabitaamka Sharciga (Will of the Law), Laakiin lama Saadaalin karo Rabitaanka dadka Shaksiyaadka ah (Unpredictable Will);
– In ay ku ekaadaan Kalsoonidoodii ay ku qabeen Maxkamadda Sare ee JSL isla markaana ay ka Dhursugaan Dhawaaqa Xukunka Maxkamadda Sare ee JSL ay ka soo saari doonto Dacwaddoodii Maamul (Idaari) ee Maxkamadda Sare ay Dhegaysatay ee Lidka ku ahaa Goβaanaddii ay soo saareen Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee ku Taariikhaysnaa 20/04/2012; iyo
– In aany u dhegdhigin Asbaaabaha khaldan ee Goβaanka Komishanka ee 12/08/2012 iyo in ay iska ilaaliyaan Shaydaanka iyo Khiyaalka Naftooda. Waayo labaduba waa Caddowyo isku shaqaysta.
Β
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Β
Qareen Xasan Cali Xasan
Qareen Maxamed Xasan Siciid