Hargeysa (SLpost)- Murashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cade, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dhibaatada ka dhalan karta wax isdabamarin ku timaadda doorashada goleyaasha deegaankaย ee la filayo in dalka laga qabto bisha November ee sannadkan.
Cali Waran-cadde oo ka hadlayay munaasibad xisbigiisu ku soo bandhigayay murashixiinta goleyaasha deegaankaย ee Degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo lagu qabtay ย Hotel Ambassodor, waxa uu sheegay inย laalidda astaamaha murashixiintu ย ay sababi karto in uu dhaco musuq-maasuq maadaama oo aanayย shacabka ย reer Somaliland intooda badan ay yihiin dad ย aan wax qorin, isla markaana aanay ururada iyo xisbiyada mucaaradka ahi awood u lahayn in ay dirtaan muraaqibiin goob-joog u ah.

โIslaanta reer miyiga ah , marka la yidhaahdo inanka aad dooranaysaa waxa uu leeyahay Awr ย ama Geed , muraaqiba uma baahna ย Awrka iyo Geekaba way taqaanaa sida ay u eeg yihiin, laakiin marka la yidhi ย waa lambar , waxa ay u baahatay , muraaqib joogto ah ย oo ururada iyo axsaabtu ย ay dhamaantood keenaan , taa laga saaray meeshii waxa ka saaray guddida doorashooyinka , waxa ay yidhaahdeen lacag looma hayo ย muraaqibka . Waxa maanta dhacday in la yidhaahdo ย laama hayo lacag arrintaa waxa aanu u aragnay ย in la doonayo ย in lagu shubto doorashooyinka ummadan โ ayuu Cali Waran-cade.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net