Hargeysa (SLpost)- Wasiirul-dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta gobollada Bariga Somaliland Cali Xasan Axmed (Cali-Sandulle), ayaa sheegay in aanay Xukuumadda Somaliland mar dambe u dul-qaadanayn Isku-dirka iyo Hubka ay Kooxda Khaatumo isugu dhiibtay Shacabka ku dhaqan deegaannada gobolka Sool, gaar ahaan degmada Taleex oo dhowaan ay ku dagaalameen laba beelood oo deegaankaas wada-dega.
Wasiirku waxa uu sheegay inaanay mar dambe dhici doonin in Kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Odayga u yahay aanay mar dambe luggooyo u geysan doonin shacabka gobollada Sool iyo Buuhoodle, isaga oo sababta ciidamadu u galeen degmada Taleex ku micneeyey mid loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan degmadaas oo todobaadkii uu ka furmay shir aanay dadka ku dhaqan gobolkaasi u wada-dhamayn oo khilaaf keenay isku-dhac laba beelood ka dhashay, balse shirkaas la hakiyey markii ay Ciidamada Qaranku galeen degmadaas isla markaana ay baxsadeen raggii abaabulayey Shirkaas.
HALKAN KA DHEGAYSO
Audio PlayerSOMALILANDPOST.NET