Hargeysa ย (SLpost/Saxafi) โ โSannadkii hore markii loo diyaar garoobayay xuska 18-ka May ayaa waxa aan isku dayay inaan beesha caalamka hab-suugaaneed ugu sheego qiimaha ay Somaliland ugu fadhido bulshadeeda, isla markaana horumarka dhaqan dhaqaale ee ay gaadhay aan ku sharaxo luuqadda Afka Ingiriisiga, iyada oo u dhisan hab suugaaneed oo gabay ahโ Sidaa waxa yidhi, Cadnaan Cabdi Xasan oo ka mid ah dhalinyarada Somaliland, isla markaana ah Xidhiidhiyaha Barnaamijyada ee dalladda ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo Saxafi uga waramayay sababta ku dhalisay inuu luuqadda Ingiriisiga gabay uu kaga waramayo dalkiisa ku qoro.
Qaar badan oo ka mid ah akhristayaashu waxa laga yaabaa inay isweydiiyaan da’da Cadnaan, isla markaana yidhaahdaan malaha da’da ayaa loo qariyee nin dhalinyaro ahi Ingiriisi kuma gabyi karo. โDa’daydu waa 26 jir, weligayna wadanka kama bixin dal shisheeyana ma tegin, balse waxaan wax ku bartay dalka Somaliland gudihiisa, sida dugsiyadaydii hoose dhexeba waxay ahaayeen Dugsiga Sh. Cali Ibraahim ee magaalada Hargeysa iyo weliba Sheekh Madar, halka dugsigii sarena uu ahaa Faarax Oomaarโ ayuu yidhi Cadnaan oo ka waramaya waxbarashadiisii.
Laakiin arrinta kale ee xiisaha lihi waxa weeye, Cadnaan waxa uu ka mid yahay dhalinyaro tiro badan oo 20-ka Sannadood ee ay Somaliland jirtay nasiib u helay inay iyaga oo da’ yar qaataan laba shahaado Jaamacadeed. โWaxaan haystaa laba shahaado Jaamacadeed oo kala ah Shahaadada Jaamacadda ee Culuunta Saxaafada oo aynu ku wada jirnay (Wuxuu ula jeedaa weriyaha waraystay) oo aan ka qaatay jaamacadda Hargeysa iyo shahaadada Jaamacadda ee culuunta dhaqaalaha oo aan ka qaatay Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysaโ.
Marka intaasi laga yimaado, Cadnaan waxyaabaha ku kelifay inuu gabay wadani ah oo Afka Ingiriisiga ah tiriyo waxa ka mid ah waxa uu rumaysan yahay in halka ugu wanaagsan ee qof ku noolaadaa ay tahay dalkiisa hooyo, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. โwaxaan aaminsanahay in halka ugu wanaagsan ee qof ku noolaadaa ay tahay dalkiisa hooyo, tusaale ahaan Somaliland waxa jiraย waxyaabo fara badan oo ay tahay inuu qof waliba qiimeeyo, tusaale ahaanย qofku marka uu wadankiisa joogo waa qof sharaf leh oo ina hebel iyo hebel loo garanayo, isla markaana ay dadku wada ixtiraamayaan, halkan waxa jooga ehelkaagii, halkan waxa jooga dhalinyaradii aad isku iskuulka ahaydeen asaxaabtaadii, waa dad aan waxyaabaha noloshaada khuseeya la wadaagi karto, wax kula qaban kara, halka dunida loo tahriibayaa ay tahayย Jawi aan cidina kaa garanayn, isla markaana aanad wax tixgelin ah ku lahayn, marka ugu horeysa ee ay labadan arrimood ku soo waajahaan waxaan rumaysan tahay inay markiiba ku horimanayso waxa la yidhaahdo Dal-tabyoโ ayuu yidhi Cadnaan oo isku barbardhigayay dhalinyarada jecel inay wadan kale tagaan iyo wadankooda.
ย Laakiin isaga oo ka hadlaya dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee ay dhalinyaradu waajahaan waxa uu yidhi. โInkasta oo ay duruufo badani jiraan, haddana waxa muhiim ah in la ogaado cida wax ka qabanaysaa waa dhalinyarada, tusaale ahaan dhalinyaradu waa inay ogaadaan in aanu jaarkooda ka jirin hanaan maamul oo dawli ah iyo amni toona, balse uu wadankooda ka jiro, isla markaana looga baahan yahay wax kasta ha ku qaadatee inay horumariyaan dalkoodaโ.
Marka laga yimaado aaminsanaanta qof ahaaneed ee Cadnaan iyo aqoontiisa waxa isweydiin mudan ma jireen waxyaabo la odhan karo way ka qayb qaateen Cadnaan inuu aqoon badan korodhsado. โMarkii aan Dugsiga sare soo galay gaar ahaan fasalka labaad waxaan ku dedaali jiray inaan wax akhriyo, isla markaana waxa aan jeclaa qoraalka, taasina waxay qayb laxaad leh ka qaadatay inaan aqoon badan korodhsado, waxaana suurto gal buugaag badan oo aan berigaa soo qaatay oo aan akhrisan jiray oo aanan qiimaha ay leeyihiin garanayn, balse aan maanta garanayoโ ayuu yidhi Cadnaan oo ka waramaya waxyaabaha u sahlay inuu aqoonta ka dhismo. Laakiin waxa mudan in la sheego in horumarka Cadnaan ka gaadhay xagga aqoonta ay udub dhexaad u ahaayeen waadintiisa,. โHooyaday iyo aabahayba waxay ahaayeen kuwo aqoon leh, iyada oo hooyadayna aqoonta ay u dheerayd inay ahayd macalimad, taasina waxay igu dhiiri gelisay inaan aniguna cilmi yeeshoโ ayuu yidhi Cadnaan.
Ugu dambayn Cadnaan Gabaygiisa luuqadda Ingiriisiga ah ee la yidhaahdo 18 May, Good Decision Day
(18-ka May, Maalintii Goโaanka Wanaagsan la qaatay )ย waxa uu ku ku bilaabayย โSaacaddu waxay gaadhay badhtamahaย May, Maalin ku dhex jirta badhtamaha bisha Mayโ Waxaanu gabaygan oo dhamaystiran oo tuduc walbana turjumanyahay u qornaa sidan:
ย The clock reaches a day
Which is in the middle of May
Big to a millions in the Horn
That built a nation out of a corn
Unrecognized by the world
Part of the stories untold
That is Somaliland, my home!
Saacadu waxay gaadhay maalin,
Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May
Oo aad ugu wayn malayiin Geeska Afrika ku nool
Kuwaaso ย ka yagleeyay qaran jeebkooda
Qarankaaso aanu wali aduunku aqoonsan
Kana mid ah goobaha aan warkooda la sheegin
Qarankaasi waa Somaliland, waana wadankayga
ย
The clock reaches a day
Which is in the middle of May
When Somalilanders chose their way
Chasing enemies after a noisy fray
When their people were queued to slay
They all took the gun rather than dismay
And they fought very hard until 18 May
Reclaiming their new independence day
Saacadu waxay gaadhay maalin,
Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May
Markii ay reer Somaliland ayoohooga ka tashadeen
Kadib markii ay cadowgii haystay dhulkooda ka eryaden
Markii dadkooda kuyuu loo galiyay si loo gawraco
Ayay dhamaan qoriga qaaten intii ay dhabanada haysan lahayen
Si adag baanay u dagaalameen ilaa laga gaadhay 18 May
Waxaanay dib u soo ceshadnee maalintii xornimadooda
The clock reaches a day
Which is in the middle of May
The beginning of a series progression
That was impossible without secession
The first action was a reconciliation
That all accepted without a question
Nation-building was the next session
Followed by a free market and education
Then adopting democracy and election
That gave my country a good impression
For sure blessed was the 18 Mayโs decision
Saacadu waxay gaadhay maalin,
Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May
ee uu bilawday horumar taxan’e ah
oo aan suurto gal noqdeen haddii aan la goosan.
Ugu horeyn waxa la bilaabay dib u heshiisiin
ay dhammaanba reerihii ishayay isku raaceen bilaa shuruud,
waxa raacay dhismaha qaranimo iyo suuq xor ah
iyo qaadashashada hanaan dimuqraadi ah
oo sawir qurux badan ka bixiyay wadankayga
hubaala go;aankii 18 May yahay mid la majeerto
The clock reaches a day
Which is in the middle of May
When all Somalilanders will sing
Waving their flag even in Beijing
Showing their โcauseโ to every king
Wanting a recognition this spring
Considering the impact it will bring
For the people who deserve this thing
Who remained a strong human-being
In a region blown by a devastating wind
While flying with a single wing
Saacadu waxay gaadhay maalin,
Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May
Marka reer Somaliland ay dhamaan heesi doonaan
Calankoodana ka luli doonan ย ilaa Bijiin (caasimada China)
Qadiyadoodana tusi doonan boqor kasta
iyagoo doonaya aqoonsi inay helaan Gugan
ogsoonna faaโidada ay keeni doonto
Dadyow nasab ah oo u qalma aqoonsigani
kuwaasoย ahayd baniโadam aan la saamayn Karin
iyagoo hadana ku nool gobol duufano ka dhacayaan
Inkastoo aanay taageero ka helin cidna
Gabaygan iyo mida kale oo uu afka Ingiriisiga ku tiriyay Cadnaanba waxay ka mid ahaayeen qoraaladii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la tagtay shirkii London.
By Adnan Abdi Shaadiro
ยฉ2012