Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo xilligan ka tirsan Golaha Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay Isku-dhaca Ciidan ee todobaadkan dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo maamul-goboleedka Puntland.
Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu cambaareeyey hadallo xannaf leh oo dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha maamul-goboleedkaas Cabdiwali Gaas iyo dagaal lala galo ciidamada Somaliland oo uu ugu yaboohay Shacabka maamulkaas, isagoo si adag u duray nidaamka maamul ee Cabweli Gaas oo uu ku sifeeyey inaanu u qalmin xilka madaxtinimo ee maamulkaas.
Cabdiraxmaan Faroole waxa uu arrimahan iyo qaar kaleba kaga hadlay waraysi uu siiyey telefishanka SBC ee xaruntiisu tahay maamul-goboleedkaas.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA HADALKA FAROOLE