Hargeysa(SLpost):-shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo haatan si toos ah uga socda magaalada Hargeysa ayaa mar kale loogu codeeyey musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye.
Waxaana jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye ku tartamay madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wasiirka caafimaadka somaliland Saleebaan Xaglatoosiye, waxaana musharaxnimadooda kala xushay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxa ay kala doorashoodu martay marxalad adag oo lagu celceliyay maadaama oo ay labada musharax aad iskugu hayeen jagadda musharaxnimo ee madaxweyne ku xigeen
Ugu horayna waxa loo codeeyey musharax Cabdiraxmaan Saylici kaas oo helay codad dhan 230 cod, halka musharax Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye helay codad dhan 114 cod, halka ay ka aamuseen 21 xubnood.