Sidoo kale wasiiru dawlaha Wasaarada maaliayada Mudane Cismaan C/laahi saxrdiid oo shaqaalaha iyo madaxda wasaarada dhawaan isugu yeedhay si uu ugala hadlo dakhliga casuuraha oo hoos u dhacay oo maraya halkii ugu hoosaysay ayaa aad u canaantay maamulka cashuuraha bariga, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Burco waa caasimadii labaad ee dalka in dakhligeeda cashuuraha berigu hoos u dhaco maxaa sababay, waxaanu maamulaha casuuraha beriga kala hadlay inuu dar-dar geliyo dhakliga.
isku soo wada Duuboo maamulaha cashuuraha Berigu waa masuulkii koowaad ee inta xilka laga qaado hadana sadex casho oo kaliya ka maqnaada ee lagu soo celiyo iyadoo waaxda cashuuraha berigu tahay isha ugu muhiimsan ee dhaqaale isla markaan ay soo wajahday hoos u dhac dhinaca dakhliga ahi.