Burco: Ururka WADDANI oo soo bandhigay Murashaxiinta G/deegaanka ee Gobollada Togdheer iyo Saraar

0

[B]urco (SLpost)- Ururka Siyaasadeedka WADDANI ayaa maanta magaalada Burco ku soo bandhigay musharixiin tiro badan oo u tartamaysa Golaha Deegaanka Degamdda Burco ee xarunta goboladda Togdheer iyo Saraar.
Munaasibad balaadhan oo ay goob-joog ka ahaayeen 17-musharax oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha ururka WADANI ah-na Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti sare oo uu hugaaminaayay oo maalmihii u danbeeyay booqasho ku joogay magaalada Burco ayaa maanta lagu qabtay huteelka Cigaal ee magaaladaasi.
Guddoomiyaha Ururka WADANI ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi โ€œHadaanu nahay hawlwadeenadda urur siyaasadeedka WADANI ee gobolka Togdheer mudadii ka danbaysay shirweynihii kowaad ee ururka waxaanu ku hawlanayn sidii aanu u dhisi laahayn maamulka ururka , musharixiintiisa gobolka Togdheer iyo cududiisa taageero sidaa awgeed waanu ku guulaysanay taasna waxa idiin cadaynaayay ilaa17 xildhibaan oo liis garaysan ayaa maanta halkan fadhiyay oo u tartami doona xildhibaanimadda deegaanka ee Togdheer iyo Caynaba ,taasna waxaad ka garan kartaan miisaanka uu ururkani ku leeyahay gobolka Togdheer.โ€ Ayuu yidhi Xuseen Kaahin, waxaanu mahadnaq balaadhan u jeediyay waftiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Ururka WADDANI.
Guddoomiyaha urur siyaadadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabadilaahi ( Cirro) oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay musharixiinta u tartamaysa golayaasha deegaanka ee degmooyinka Burco iyo Caynaba ee ka sharaxan WADANI waxaanu Guddoomiyuhu ku nuux-nuuxsatay oo uu ujeediyay dadweynaha ku dhaqan gobolka Togdheer in ay wada jir u ilaaliyaan arimaha nabadgelyadda iyo isku duubnaansha bulshada, sidoo kaleย ย Guddoomiyaha ururka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka waramay hawlaha horyaala ururkiisa iyo u diyaar-garowga doorashadda Goleyaasha deegaanka waxaanu yidhi โ€œMarka hore waxaanu halkan ugu mahanaqaynaa shicibka reer Togdheer iyo ka Saraar musharixiintan aad keenteen awgeed ,dadkuna waxay rajaynayaan in ay musharixiintaasi noqdaan kuwii isbedelka iyo hurumarka la rajaynayo keeni-lahaa ana waxaan leeyahay ilaahay haydinka dhigo.โ€ Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi โ€œWaxa ina horyaala hawl badan oo ah in mawaadinimo ahaan in aynu ka shaqayno danta guud ee Somaliland iyo xoojinta nabad-gelyadda ,taas oo ay ku xidhanyihiin hurumarka iyo doorashaduba ,dibaatooyinka aasaasiga ah ee ina horaalaana lama tiring karo waxaana ka mid ah shaqo laโ€™aanta ,caafimaadka ,dhinaca jidadka iyo waxyaabo kale markaa waxaan leeyahay ha la ilaaliyo midnimada iyo wada jirka, Ururka WADANI-na waxa uu u diyaar yahay haduu soo boxo in uu dhibaatooyinka dalka haysta wax ka qaban doono insha ALLAH.โ€
Waxaa iyana halkaas ka hadlay qaar ka mid ah madaxdaย ย Ururka WADANI oo ay ka mid ahaayeen Shugri X. Boondare ,Axmed Cali Ubaxle ,Mr Foosi ,Cismaan Afgaab ,Jamac Sidiiq iyo masuuliyiin kale waxaanay dhamaantood mahad-naq ujeediyeen 17-musharax oo ay haweenay ka mid tahay ee ururka WADANI uga qaybgalaaya Golaha Deegaanka Degmooyinka Burco iyo Caynaba kuwaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen waxgaradka ,odayaasha beelaha ay musharixiintani ka soo jeedaan.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANi MD Ciro iyo wafti balaadhan oo ururkiisa ka tirsan ayaa maalmihii u danbeeyay booqasho hawleed ku joogay gobolka Togdheer waxaanay booqdeen qaybo ka mid ah suuqyda ganacsiga Burco, waxaana waftigu xalay ku soo noqday Magaalo madaxda Hargeysa.

SLpost News/Hargeysa

contact@somalilandpost.net