Burco: Sheekh Ka Hadlay Shimbiro Dad-cun ah oo laga Qayliyey iyo Doorka Bulshada

0

Burco (SLpost)- Sheekh Jaamac Wadaad oo ka mid ah Culimada Reer Burco, ayaa ka hadlay Xawayaanka Duulaaga ah oo Gorgor-weyne lagu sheegay, isla markaana Carruur ku cunay Bariga Itoobiya iyo Koonfurta Somaliland, qaarna ku dhaawacay oo dadku aad uga qayliyeen, isla markaana warbaahinta iyo goobaha bulshadu ku kulantaba aad loogaga hadlo todobaaddadii u dambeeyey.

Sheekh Jaamac waxa uu sheegay in Xawayaankani yahay mucjiso Illaahay, isla markaana loo baahan yahay in Diinta loo jeesto oo Kitaabka Qurโ€™aanka ah la isku maamulo. Sheekhu waxa uu Bulshada ugu baaqay in la ducaysto oo Qurโ€™aan la akhristo, Illaahayna laga baryo inuu masiibooyinka socda inna hareer-mariyo.

Faahfaahinta Warkan ka daawo Muuqaalka Hoose