Budhacad Hubaysan Oo Boorama Maherad Xalay Weerar iyo Dhicitaan Isugu Daray

0

Borama(SLpost)-Weerar aan noociisa hore loogu arag Somaliland ayaa xalay ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal, ka dib markii ay rag hubaysani weerar ku qaadeen meherad ย bakhaar iyo sarifle ah oo lagu magacaabo Muuse Caamir Company.

Weerarkan hubaysan waxa fuliyay lix nin oo afka soo duubtay kuwaas oo bakhaarka gudaha u galay islamarkaana la sheegay inay qaateen lacag badan oo bakhaarka taalay ka dib markii ay qoryo ku qabteen raggii bakhaarka joogay. Waxaana xarunta bakhaarka markii dambe u soo gurmaday ciidamo boolis ah oo ay rasaas isweydaarsadeeen shuftada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii iyagoo qaatay gaadhi meel u sii taagnaa oo diyaar u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastu ay dhaawacday dad shacab ah oo ka ag-dhawaa bakhaarka.