Digtoorย Saleebaan Ciise Axmed โXaglatoosiyeโ waa murashax u taagan jagada madaxweyne xigeen ee Xisbiga Kulmiye.Waxa uu ku dhashay xaafadda Dunbuluq ee magaalada Hargeysa; kuna qaatay waxbarashadiisii hoose/dhexe iyo sare.Shahaadada koowaad iyo ta labada ee heer jaamacadeed waxa uu ku idlaystay waddanka Maraykanka.Waxa uu kasoo jeedaa degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Saleebaan,waxa uu ahaa hoggaamiyihii jabhaddii SSC ee dabayaaqadii 2010 ilaa 2011-kii ka dagaalantay degmada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda.Tan iyo lasoo noqoshadii madaxbanaanida JSL marnaba Buuhoodle si buuxda umay soo galin gacanta dawladda. Heshiis nabadeed oo uu la saxeexday madaxweyne Silaanyo 2013 ayaa sababay isbedal siyaasadeed iyo mid horumar oo ka bidhaamay guud ahaan deegaamada ย Buuhoodle.
Soomaalilaan waxaย uu ka qabtay xilalka: Wasiirka Wasaaradda Dib-udajinta iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.Intii uu hayay masโuuliyadda wasaaradaha qaran,si weyn ayaa loo dareemay kartida iyo xilkasnimada uu muujiyay. Waxa uu kasbaday laabo farabadan iyo quluubta kumanaan qof oo la dhacay hawlkarnimadiisa iyo hufnaantiisa shaqo.Waxa uu hirgaliyay una hagar baxay abyidda goobo caafimaad oo si aan la dhudhuminkarin u baahi tiray dadweynaha ku dhaqan JSL.
Miisaanka siyaasiga ah ee uu leeyahayย ayaa ah mid ka mudhay kana soo muuqday saaxadaha lagu gorfeeyo arrimaha nabadda iyo horumarka gobolada bari. Waxa uu guul weyn ka gaadhay dedaaladii lagu damiyay colaaddii dhextiil dadka walaalahaย ah ee Qorulugud iyo Buuhoodle.Dhanka kale, gaashaan bir ah ayuu ka yahayย tallaabooyinka lagu wiiqayo qaranimada JSL ee uu wado ย digtoor Cali Khaliif.
Taageeradaย ay u hayaan guud ahaan shacabka Soomaalilaand ka sakow, waxa uu hiil ballaadhan oo cod iyo cududba leh ka haystaa gobolada:Togdheer,Sanaag iyo Sool.
Haddaba, u boqridda xilka madaxweyne xigeen ee Kulmiye waxa ay horseedaysaa :
- Wax wada lahaanshaha ka dhaxeeya umadda reer Soomaalilaan bari iyo galbeed,
- Midnimada iyo wada jirka Somaalilaan,
- Ka qabsoomidda doorashooyinka gobolada bari,
- Ka midha dhalinta dedaalada nabadeed
- Fidinta maamulka dawliga ah, iyo
- Helidda ictiraaf caalami ah.
Eng. Mukhtaar Jaamac Muxumed โLibaaxsalaaxโ
5-ta Noofeembar, 2015
Hargeysa, Somaliland.