Berbera: Magacyada Dhalinyaro reer Hargeysa ah oo Badda ku Geeriyooday

0

 

Berbera (SLpost)- Laba dhallinyaro ah oo saaka subaxnimadii ka tagay Magaalada Hargaysa, ayaa geeriyoodeen kadib markii ay liqday Badda oo ay u dabbaal tageen.

Allah ha u naxariistee, Labada Marxuum ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed Cabdiraxmaan Xaashi oo labadoodaba ay biyaha badda oo ay ku dabbaalaneyeen ku qarraqmay.

Wakaaladda wararka ee SOLNA oo warkan aanu ka soo xigannay, ayaa sheegtay inuu shilkan ka badbaaday wiil kale oo labada marxuum la socday.

Warkan waxa xaqiijiyey oo warbaahinta u sheegay Taliyaha hawl-gelinta Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil Aamiin Maxamed Cabdi oo sheegay inay aqoonsadeen labada marxuum.

Waxa uu Taliyuhu ugu baaqay dhallinyaradda Somaliland ee Dabbaasha iyo Dalxiiska u tagaya magaalo-xeebeedka Berbera inay ka taxadiraan inay galaan badda maadaama ay xilligan Kacsan tahay oo aan lagu dabbaalan karin.

Inta Badan, Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa dhallinyarada gobollada Somaliland iyo ardayda dugsiyada qaarkood dalxiis ahaan u tagaan Badda Berbera, waxaana mararka qaarkood dhacda Masiibadan oo kale.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland