Beesha Caalamka oo niyad-jab ka muujiyey Hannaanka loo Jideeyey Doorashooyinka Soomaaliya

0

 

Nairobi (SLpost)- Beesha caalamka ee taageerta hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, ayaa niyad-jab ka muujisay heshiiska laga gaadhay hannaanka ay u qabsoomayso doorashada baarlamaanka loo muddeeyey inay dalkaas ka qabsoonto Sannadka 2021-ka.

Beesha Caalamka ayaa hore u dhiirri-gelisay in doorashada baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah shacabku u soo doortaan, haseyeeshee heshiis madaxda dalkaas ku dhexmaray Muqdisho todobaadkii hore ayaa lagu qorsheeyey in xubnaha baarlamaanka loo soo doorto qaabkii hore ee Xulashada iyo Saami-qaybsiga ku dhisnaa.ย 

War-saxaafadeed ay maanta soo saareen wakiillada beesha Caalamka, ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin in hanaanka la shaaciyay inay doorashada dalkaasi u qabsoomayso ka hooseyso yoolkii loo dejiyey ee ahaa cod-bixin toos ah oo shacabku ku doortaan xubnaha baarlamaanka ee doorashada loo muddeeyey inay sannadka dambe qabsoonto.

In kasta oo beesha caalamka ay soo dhaweeyeen heshiiskii ay dhowaan wada-saxeexeen Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo maamul-goboleedyada kale ee Soomaaliya, kuna tilmaantay mid dhabbada u xaadhaya geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, haddana waxa jira saluug baahsan oo ay ka muujiyeen goโ€™aankaas oo beesha caalamku ku tilmaantay mid aan u qalmin heerkii looga baahnaa.

ย โ€œSaaxiibada beesha caalamku waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wada-hadal ay Soomaalidu dhexdooda ka gaadheen. Waxaanu ognahay in qaar ka mid ah xogaha geedi-socodka lagu heshiiyay aan weli la caddeynin oo ay dhici karto in cid kale lagala tashan karoโ€, sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka beesha Caalamka.

Beesha Caalamku waxa ay muujisay inaanay raalli ka ahayn shaacinta heshiiska oo ay sheegeen inuu baal-marsanaa yoolkii loo qoondeeyey doorashada inay ku qabsoonto cod-bixin toos ah, waxayse dhinacyada heshiiska gaadhay ugu baaqeen inay doorashadu noqoto mid u qabsoonta qaab daah-furan oo xor ah.

ย โ€œSaaxiibbada Soomaaliya iyagoo ka xun inay arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii la qoondeeyey, haddana waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ay noqoto mid xor ah, xalaal ah oo daah-furan oo loo dhan yahay.โ€ Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraalka, waxaana intaas lagu daray,ย  โ€œSaaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaadho dhismaha hayโ€™adaha kale ee demoqoraadiyadda oo ay ku jiraan guddiga adeegga Garsoorka iyo guddiga xuquuqul Insaankaโ€.

Beesha Caalamku waxa ay madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ugu baaqday inay sii wadaan kulamadooda, iyagoo yeelanaya wada-hadal iyo isu-tanaasul dhexdooda ah.

Beesha Caalamka sida wada-jirka ah u soo saaray war-murtiyeedka ayaa kala ah UK, Belgium, Denmark, Ethiopia, EU, Finland, France, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Sudan, Turkey, US iyo UN-ka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net