Akhristayaasha sharafta badanaw, waxa uu Somalilandpost idiin bilaabayaa barnaamij aad u xiiso badan oo si qoto dheer uga waramaya Hees-dhaqameedda Soomaalida, jaadadkeeda, ujeedooyinkeeda, hababka loo adeegsado iyo guud ahaanba hawlaha iyo ciyaaraha ay ka soo farcameen. Barnaamijkani waa todobaadle aad isniin walba kala socon doontaan Somalilandpost.net.
Waxa diyaariyey Khadar Xuseen Daahir(Hayl).
ย
Hordhac
Inta aynaan u gondadegin ubucda ama adhaxda qoraalkeenna, bal aynu wax yar ku hakanno qeexitaanka ama micnaha lagu sheegi karo ereyga hees. Iyada oo laga yaabo in lagu kala aragti duwanaado ama siyaabo kala tagganba loo macneeyo, haddana aynu ku sheegno in ay tahay โereyo yaryar oo sida maansada hab dhismeed leh oo jaadad badan ka koobanโ eeg bogga 13aad ee buugga Hilimada Maansada ee uu qoray Aw-Jaamac Cumar Ciise.
Marka la abla-ablaynayo ama la kala dhanbalayo, waxa heesaha loo kala qaybiyaa laba dhudood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah hees-hawleed iyo hees-ciyaareed. Marmarka qaar waxa dhacda in loo kala saaro saddex qaybood oo labadaas hore lagu daro hees-faneed oo ah heesaha la soo if-baxay fanka Soomaalida, waxa se hubaal ah in hees-faneeddu ay ka soo farcantay ama ay ka timid labada dhudood ee hore, waa hees-hawleed iyo hees-ciyaareedda eh. Haa iyaga ayaa ay ka soo farcantay oo ay ka soo jeeddaa; waa suuragal in dad badani ay ka biyadiidaan marka ay arkaan odhaahda sidan odhanaysa ama ka badheedhaysa, bal aan kaa daadajiyo eh u fiirso tusaalayaashan hoos ku xusan:
Aynu soo qaadanno beydad ka mid ah heesta Suleekha ee uu midheeyey abwaan Maxamed Ibraahin Warsame, kuna luuqeeyo AHN fannaankii Maxamed Nuur Giriig; Beydadkaasi waxa ay odhanayaan:
Idaa subag laga lulaa
Loโ baa saan laga baxshaa
Geel baa sidig loo ogaa
Sengaan orod lala ekayn
Sareedo Ilaahaybaa leh
Hablaa Soomaaliyeedna
Hadaan quruxdooda saanyo
Haddaan miisaanka saaro
Sagaal tobankii adaa leh
Bal beydadkaas sare aynu barbardhigno kuwa heesta baarcaddaha ee odhanaya:
Hiyeeleeyeey hiyee
Habluhu gaaggaabanaa
Ma galabbay wada dhasheen
Ma gudin baa lagu sarjaray
Qoodhaa iyo xeradaa, miyaanay beydadkaas aynu tilmaannay ee ka mid ah heesta Suleekhi ku qotomin heesta baar-caddaha, bal adba!
Haddana aynu soo qaadanno, heesta biโiwaa warlaay ee uu curiyey AHN abwaan Maxamed Xaashi Dhamac โGaarriyeโ ee odhanaysa:
Weylyahay baxsane
Bixisadu waddaa
Biโiwaa warlaay
Adoon laacdan baran
Oon weli bislaan
Ha baraarshishiyin
Miyaanay tanna ku fadhiyin heesta maqasha lagu geeddigaliyo ee odhanaysa:
Maqaleey warlaay
Ma laguu warramay
Ina cali la dilay
Oo cumar la dilay
Oo dhiig qulqulay
Markanna aynu soo garoocanno heesta Durbaan ee uu hal-abuuray AHN abwaan Yuusuf Aadan Xuseen โAllaaleโ kuna luuqayso fannaanadda Qadiija-qalanjo, taasi oo odhanaysa:
Diriyan oohoow diriyan
Diriyan dooxada ka yeedh
Diriyan oo diririglee
Diriyan duul maqan u yeedh
Bal tanna ku dhereri heesta lagu qaado ciyaar-dhaqameedka haanta oo tidhaa:
Haanyahay dayaan
Dayaan oo diririglee
Dayaan dooxada ka yeedh
Dayaan duul maqan u yeedh
Af aan garaabin gaal baa lagu ogaaye, miyaanay taninna si dhab ah uga iman heestaas ciyaar-dhaqameedka haanta? Waan rajaynayaa in ay kuu dhacday.
Haddii aynu intaas yar ee dul-ka-xaadiska ah kaga nimaadno xidhiidhka ka dhexeeya hees-faneedda casriga ah iyo hees-dhaqameedka, aynu ku noqonno oo dib u milicsanno halkii uu hayaanku ku aaddanaa iyo abbaartii qoraalkeenna; innaga oo cuskanayna tusaalayaashaas sarena aynu mar labaad carrabka ku adkayno oo heesta u kala dhanballo hees-ciyaareed iyo hees-hawleed.
Hees-ciyaareed
ย
Waa hees sacab iyo jaan loo tumo ama durbaan loo garaaco leh oo looga jeedo farax, rayn-rayn, maaweelo iyo madadaalo iwm, eeg bogga 13aad ee buugga Hilimada Maansada ee uu qoray Aw-Jaamac Cumar Ciise.
Hees-ciyaareedda waxa lagu midheeyaa ama ay ka curataa gole-ciyaareed lagu aloosayo ciyaar-dhaqameed Soomaaliyeed, waxaana ay ku tiirsantahay oo magaca ka qaadataa hadba ciyaartii ay ka curato; tusaale ahaan haddii ay heestu ka curato ciyaar dhaanto ah, waxa iyadana loogu yeedhaa โhees dhaanto ah ama midho dhaanto ahโ. ย Taas aawadeed, mar kasta oo hees-ciyaareed laga hadlayo waxa lagamamaarmaan ah in laga sheekeeyo ciyaar-dhaqameedka ay ku ladhantahay ama ku abtirsato.
Haddaba, ciyaar-dhaqameedka Soomaalida oo aad u badan, islamarkaana aan lahayn tiro goโan oo la isla yaqaanno ayaa waxa ay ku kala teedsanyihiin oo laga ciyaaraa guud ahaanba dhulalka ay Soomaalidu degto. Inkasta oo deegaannadu ay ku kala duwanyihiin ciyaaraha, haddana waxa jira ciyaaro badan oo ku faafay deegaanno kale oo aan asal ahaantoodii laga ciyaari jirin; ciyaarta Saylicida oo beryihii hore laga ciyaari jirey deegaannada gobolka Awdal ayaa waayadan danbe u gudubtay deegaanno badan oo kale, sidoo kale ciyaarta dhaantada oo asal ahaan laga aloosi jirey deegaannada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxa ay haatan ku fidday inta badan ee deegaannada ay Soomaalidu degto, hadday tahay Soomaalilaan, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kiiniyaba.
Badanaa, waxa ciyaaraha la qabtaa habeenkii, waana ta keentay ama ay ka dhalatay murtida Soomaaliyeed ee odhanaysa โaniga heello dareen baa iga galaye, maxaa habeenkii loo tumaa ama sacabka haddaan xeeli ku jirin, maxaa habeenkii loo tumaaโ. Iyada oo ay sidaas ahayd ayaa haddana waxa beryahan dambe soo gadaalbaxay in ciyaaraha la alooso xilliyada munaasibadaha, sida xafladaha caleemo-saarka ama soodhawaynta madaxda.
Marka uu roobku daโo ee dhulka ay barwaaqadu isqabato, isla markaana ay duunyadu dhasho ee dadku dhaan iyo geeddiba ka negaadaan, ayaa ay dhallinyaradu isgurataa oo golayaasha ciyaaraha ku kulmaan, si ay ugu caweeyaan, laba kasta oo sheekawadaag ahna ay ugu noqoto fursad ay muraadkooda ku qummistaan, waa halkii lagaga heesay:
Allahayow kufriyi maynoo
Kibir uga dhawaan maynee
Sacabka uun baa kalkii galay
Ciyaaraha waa la isku ammaanaa oo hal-abuurka midhaha curinaya waxa u bannaan in uu ku ammaano naftiisa, qof uu jecelyahay iyo qabiilkooda hadba kii uu doono, taas waxa inoo muujinayo beydadkan hoos ku xusan oo ka curtay ciyaar batar ah, kuwaas oo odhanaya:
Saddexbaa ku qaayibay
Qoladiinna oo goba
Qalabkay ku saareen
Iyo quruxdaada oo ladan
Mar kale ciyaaraha waa la isku jirrabaa oo halxidhaalayaal ay hal-abuurradu isugu awoodsheeganayaan ayaa oodda la iskaga qaadaa oo la isku badhaxtiraa, tanna waxa aynu ka dheehan karnaa beydadkan hirwada ah ee leh:
Wiilka
Waxaan tiro toban ka gaadheyney
Tagaynin taraynin taa garo eey
Haddaad garanweydo gaardiga eey
Miyaad garan gogol si loo dhiga eey
Gabadha
Waar waxaan tiro toban ka gaadheyney
Wiilow waa toddobada ayaamoodey
Ma tarmaan tegina maayaaney
Ciyaaraha qaarkood waxa loo qabtaa dawo ahaan oo waxa la rumaysnaa in aloosiddeedu ay firdaamo u noqonayso qofka xanuunsanaya oo wixii hayey uu kaga soo dagayey, taasi oo aynu ka daalacan karno ereyada odhanaya:
Saarkii duleedoow soo dagee
Waa dabbaaldagaagee soo dagee
Dahab iyo xariir buu doonayaa
Aqal wada dalooluu diidayaa
Meel an lagu dakayn buu diidayaa
Saaroow awoowe soo dageey
Aan kula socdaalee soo dageey
Iyada oo ay badanyihiin ujeeddooyinka ciyaaraha loo qabtaa, haddana bal aynu kaga kaaftoonno intaas aynu kor ku soo tilmaannay, oo aynu ciyaaraha mid mid u gallo, si aynu uga boganno ciyaar kasta iyo heesaheeda.
La soco qaybta xigta Iyo Isniinta todobaadka dambe .
FG: Qormadani waxa ay ka mid tahay Buug dhawaan soo bixi doona oo ka hadlaya Hees-dhaqameedka Soomaalida.