Hargeysa (SLpost)- Carwada todobaad ee buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa ay ku lammaan tahay ibo-furka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa si wada-jir ah loogu daah-furay munaasibad ballaadhan oo maanta ka dhacday Guriga shaqaalaha ee Hargeysa.
Bandhigga 7aad ee Buugaagta iyo Ibo-furka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo hirgelintooda ay iska kaashadeen Ururrada Red Sea Online, Kayd, Macadka Rift Valley iyo Midowga Yurub oo maal-gelinaya, waxa munaasibaddii lagu daah-furay ka qayb-galay xubno ka tirsan Qalinleyda, Abwaanno, Siyaasiyiin, ururada akhriska ee dalka iyo Shakhsiyaad ajaanib ah oo Dhaqanka iyo qoraalka ku xeel-dheer.
Carwada 7aad ee buugaagta Hargeysa oo muddo lix maalmood ah ka socon doona Hargeysa, ayaa halku-dhiga sannadkan loo doortay, lagu soo bandhigayaa ay tahay qoraalka ama sheekooyinka mala-awaalka ah.
Agaasimaha Xarunta dhaqanka Red Sea, Jaamac Muuse Jaamac oo furitaankii munaasibada ka hadlay, ayaa ku soo dhoweeyey safiir-xigeenka safaarada Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa Chris Allen oo iftiimiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu goob-joog ka noqda furitaanka bandhigga buugaagta oo ay qabashadiisa sannad walba kaalin weyn ka qaataan.
Mohamed Sabul oo ka tirsan qoraayaasha ka soo qeybgalay bandhiga, ayaa ka hadlay faaโiidada kulamada noocan u leeyahiin bulshooyinka iyo horumarkooda.
Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo furay bandhigga buugaagta, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhoweynayaan, diyaarna u yihiin inay gacan ka geystaan horumarinta dhaqanka iyo arrimaha dhalinyarada.
Dhinaca kale, waxa munaasibadda lagu ibro-furay Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo uu xadhiga uu ka jaray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi oo ka hor inaantu furin hadal kooban uu ka jeediyey ku qiray in baahi baahi weyn loo qabay helitaanka xarun noocan ah. โXaruntan dhaqanka helitaankeeda baahi weyn ayey hore u qabnay, xilligan fariintaydu waa aynu ka wada shaqeyno horumarinteeda,โ ayuu yidhi Hadraawi.
Madaxa Xafiiska Midowga Yurub ee Nayroobi u qaabilsan warbaahinta, Ms. Maghi oo madasha ka hadashay ayaa ka warbixisay muhiimadda ay u leedahay inay ka qeybgasho furitaanka Xaruntan Dhaqanka Hargeysa oo maal-gelintiisa uu bixiyey Midowga Yurub, waxaanay ballan-qaaday inay diyaar u yihiin wada-shaqeyn ay xarunta la yeeshaan mustaqbalka.
Madaxa hayโadda Rift Valley oo fadhigeedu yahay magaalada Nayroobi, isla qeyb ka ahayd fulinta mashruuca dhismaha xarunta dhaqanka Hargeysa, ayaa ka warramay heerarka uu soo maray fekerka lagu hirgeliyey xaruntan. โFekerka abuuritaanka xaruntan dhaqanka wuxuu bilaabmay wakhti dhowr sannadood hortood laga joogo, xilli aanu socdaal ku tagnay gobolka Sanaag wefdi goob-joogeyaal doorashooyinka qeybna ka ahayd Ayaan Maxamed Cashuur,โ ayuu yidhi Mack Bradbury.
Madaxa Rift Valley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay midho dhalka mashruucan oo ku soo beegmay wakhti baahi weyn u qabaan dhalinyarada Dalku sidii ay ku heli lahaayeen goobo ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda.
Marwo Edna Adan Ismaaciil oo ka hadashay Hal-ku-dhigga sannadkan loo aqoonsaday ee โMala-awaalkaโ, ayaa ka sheekaysay in qorshe walba bilowgiisu mala-awaal yahay, balse marka u dambaysa la gaadho midhahiisa, iyada oo tusaale u soo qaadatay halgankii loo soo galay dib-u-xoreynta dalka iyo midho-dhalkiisa, wakhtiganna ictiraafku yahay waxa kaliya ee mid midh-dhalkiisa la sugayo.
Munaasibadaha isku lammaan ee bandhigga Buugaagta iyo Ibro-furka xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha dhaqanka oo martidii ka soo qeybgashay si weyn ugu riyaaqeen daawashadooda.
ย
SOMALILANDPOST.NET