Badhasaabka Sanaag oo Weji Gabax Kala Kulamay Rabshado ka Dhashay Fadhi Sagaal Xubnood ku doorteen Maayir iyo Ku Xigeen

0

Ceel-Afweyn (SLpost)- Rabshaddoย  iyo mudaharaad ayaa ka dhashay, ka dib markii sagaal ka mid ah, 17ka xubnood ee golaha degaanka degmadda Celef-Weyn, fadhi ay maanta yeesheen ku doorteen Maayir iyo Maayir ku Xigeen.

Fadhiganย ย  ooย  qarsoodiย ย  ahaaย ย  lagunaย  wargalinย ย  Sideedย ย  Xildhibaanย  ee kaleย  ka mid ahaaย  golahaย ย  degaankaย ย  , ayaaย  markiiย  ayย  dadweynihiiย ย ย ย  kaย  war heleenย ย  doorashadan,ย  waxaย ย  magalaadii ka bilaabmay mudaharaadyo, lagagaย ย  soo horjeedoย ย  talabadan, waxaanaย ย  taayiroย ย  lagu gubayย  jidadka magaaladda,ย  iyadooย  sida la sheegay dad cadhaysani ay burburiyeenย  qalabkiiย  iyoย  xafiisyadiiย ย  dawladaย ย  Hoose, isla markaanaย  dab qabadsadeenย ย  faylalkiiย  iyo Waraaqihii yaalay goobtaasi.Waxaaanaย ย  cakirantayย ย  xaaladdaย  magaaladaasi.

ceel afweynFadhiganย ย  ay iskuย  doorteenย ย  sagaalkaย ย  xildhibaanย ย  ooย  la sheegay inuu goob joogย  ka ahaaย ย  Badhasaabkaย ย  gobolkaย ย  Sanaagย ย  Aadanย ย  Diiriyeย ย  Cigaal, ooย  isku dayay inuuย  dejiyoย  xaaladaย  ayaaย ย  kala kulmayย  wajiย  gabax ,ka dib markiiย ย ย  dadweynahaย ย  degmadaasiย ย  ku mudaharadeen,ย  ooย  dhagax la dhaceen baaburkiiย ย  uu watay,ย  waxaanaย  la sheegayย  inuuย ย  sooย  cararayย ย  dhinacaย ย  galbeedkaย ย  Somaliland,ย  markiiย  uu arkayย ย  inย ย  xaaladiiย ย  uuย ย  gacantiisaย ย  kuย  abuurayย ย  gacantiisaย  faraha ka baxday.

Xaaladdaย ย  degmadaasiย ย  ayaaย ย  kacsanaydย ย  ilaaย ย  galinkii danbeย  maantaย ย ย  balseย  haddaย ย  deganย ย  markii ayย ย  kaย  hawlgaleenย ย  waxgaradkaย ย  iyoย ย  odoyaashadaย ย  magaaladaasi.

Cuqaashaย  iyoย  Odoyaashaย ย  Celef-weyn, ayaaย ย  badhasaabka gobolkaย ย  Sanaagย ย  ku eedeeyayย ย  inuuย  abuurayย ย  dhibatadan,ย  wixii ka dhacay magaaladdaย ย  Celef-weyn uu masuul ka yahay tuurtanaย  ku sitayย  ooย  uu kala yimi Celefweyn.

Wararkaย ย  kaleย  eeย  kaย  imanayย ย  degmadaย ย  Celef-Weyn,ย  ayaa sheegayaanย  Sideediiย ย  Xildhibaanย ย  ee kaย  maqnaaย  fadhigaasi qorshaynayaaย  fadhiย ย  ayย  kuย  doortaan Maayir iyo Maayir ku Xigeen.

SOMALILANDPOST.NET