Badhasaabka Maroodijeex oo kulan taageero loogu muujinayo Ciidanka Qaranka la yeeshay Maamullada iyo Wax-garadka Degmooyinka Gobolka

0

Hargeysa (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, ayaa guddoomiyeyaasha iyo wax-garadka degmooyinka hoos-yimaadda gobolka ku boorriyey inay u hawl-galaan gurmad ciidanka Qaranka ee fadhiisimada ku leh gobollada Bariga dalka loogu taakulo loogu ururinayo.

Badhasaabka HargeysaBadhasaabka gobolka Maroodijeex oo guddoomiyeyaasha degmooyinka Maroodijeex ka kooban yahay, cuqaal iyo wax-garad ka socday deegaamada gobolka kulan kula yeeshay xafiiskiisa maanta, waxa uu masuuliyiinta heer degmo iyo wax-garadka wehelinayey u jeediyey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen una gaadhsiin lahaayeen bulshada ay deegaannadooda xilalka ka hayaan gar-gaar xoolo nool iyo raashin isugu jira oo taageero loogu muujinayo ciidamada qaranka Somaliland.

โ€œAniga oo ku hadlay afka badhasaabbada, aniga oo ah badhasaabkii badhasaabbada waxaynu doonaynaa inay taakulo iyo gurmad gaadhsiinno ciidankeennii, waayo ciidanku dhib-badanna waa qabaa, ninkii ciidan soo-noqday iyo ninkii wax-garad ahiba wuu garanayaa ciidan dhibtuu qabo. Degmooyinkeenna qaar Illaahay wuxuu ku mannaystay kheyraadka Beeraha, qaarna wuxuuu ku bmannaystay kheyraadka Xoolaheenna. guddoomiye kasta waxa looga baahan yahay gurmad iyo taakulo,โ€ Sidaa waxa yidhi badhasaabka gobolka Maroodijeex Md Maxamed Maxamuud.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay xubno ka mid ah maamullada degmooyinka gobolka Maroodijeex, madax-dhaqameed wax-garad, kuwaas oo dhammaantood ballan-qaaday inay fulinayaan baaqa guddoomiyaha Maroodijeex u soo jeediyey, iyaga oo ballan-qaaday inay ciidamada Qaranka ku taageeri doonaan adduun iyo xoolo wixii ay awoodaan.

SOMALILANDPOST.NET