ย
Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-Yare ayaa waxa uu sheegay in ay si buuxda u damaanad qaadayaan amaanka ciyaaraha, isaga oo sheegay in dhammaan ciyaaryahanada, taageerayaasha iyo madaxda gobolada Hargeysa ku ciyaaraya ay masuul ka yihiin martigalintooda, daryeelkooda iyo ilaalintoodaba.
โGobol ahaan ciyaaryahanadii oo gobolkayagii ku ciyaaraya aad baannu ugu faraxsanahay, waxaanna aan ku hambalyeynayaa shacabka gobolka Maroodijeex gaar ahaan reer Hargeysa in aannu nasiib u helnay in goboladii soo baxay garoonkeenii Hargeysa Stadium ay ku ciyaarayaan. Dhammaan maamulka, ciyaaryahanada, taageerayaashooda iyo walaalahayaga gobola kale waxaannu ku soo dhawaynaynaa gacmo furan.
Waxaan balanqaadaynaa oo waajib nagu ah in aannu soo dhawaynno oo caafimaadkooda iyo nabadgalyadooba aannu masuul ka nahay. Waxaannu u soo jeedinaynaa oo aannu ku leenahay waxa aad timaadeen guryihii hooyooyinkii oo Hargeysi waa hooyadii dalka e ku soo dhawaaadaโ Ayuu yidhi Mr. Jeeniyare.
Hadalkan badhasaabka ayaa waxa uu ka daba yimid baaqyo maamulada gobolka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax ay u direen gobolada in ay si nabad ah u soo dhawaynayaan gaar ahaan Gobolka Awdal oo ka cabsi qabay in laga jarto shiqaaqo ย laga tirsanayey in ayย dhawr jeerย ka abuureen garoonka Xaaji Daahir ee Boorama.
Somalilandpost, Hargeysa Office, 2015
ย