Berbera(SLpost) – Ugu yaraan 4 dhalinyaro ah oo ku dabaalanayay badda magaalada Berbera ayaa geeridooday kadib markii baddu liqday, waxaana la sheegay in mid kale la layahay. Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay sababahaย baddu u liqday ardaydaasi.
Xogaha hor dhaca ah ayaa sheegaya in Ardaydu ka mid ahaayeen dhalinyaro halkaasi dalxiis u tagay kuwaasi oo watay laba Bas kana tagay dugsiga Hargeysa School oo ku yaala Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.
Magacyada Ardayda geeriyooday:
- Siciid cismaan Maxamed
- Xasan cismaan ahmed
- Cismaan maxamuud
- Ahmed haybe Cabdi
Maydadka Ardaydaasi ayaa la dhigay cisbitaalka Berbera, waxaana saxaafadda u xaqiijiyay geeridooda agaasimaha cisbitaalka Berbera, balse ma jiro wax war dheeraad ah oo ka soo baxay dhimashada dhalinyaradaasi.