London, 1 March, 2012 (SLpost)- Baarlamanka dalka UK ayaa ansixiyay Sharci Cusub oo Xadidi doona lacagta Caydha ee la siiyo Qoysaska aan shaqada hayn ee ku nool Wadanka UK waxa uu sharcigani u ogolaanayaa in Qoysku qaato Kow iyo Afartan Kun oo dollarka Maraykanka ah Sannadkii.
Dawladda Ingriiska ayaa iyadu waxay dhib kala kulantay ansixinta sharcigan , iyadoo uu dhaleeceeyey qaraarkan aqalka sare ee barlamaanku Uk ,isla markaana ku tilmaameen xadiditaankani mid dhib u keeni doonto dadka saboolka ah .
Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron , ayaa sheegay in sharcigan cusubi uu meesha ka saari doono in ay dadku weligood lacag ka sugaan dawladda oo aanay shaqaysan.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net