Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Maamuusay Shaqaale Hawl-karnimo iyo Shaqo-wanaag Lagu Majeertay

0

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa maanta maamuusay xubno ka tirsan Shaqaale-weynaha Baanka ee ka hawl-gala gobollada dalka, kuwaas oo lagu qiimeeyey Hawl-karnimo iyo Shaq-wanaag ay muujiyeen sannadkii hore.

Abaal-marinta Shaqaalaha Baanka oo ku timi natiijada Qiimeyn jaran-jarooyin kala sarreeya soo martay oo ay samaysay Waaxda cududda Shaqaalaha ee Baanka Dhexe, ayaa ka qabsoontay Xarunta Baanka Dhexe, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baaaanka Dhexe Maxamed Qaasim, Agaasime-waaxeedyada, Maamuleyaasha Gobollada dalka iyo Shaqaale-weynaha Baanka Dhexe.

Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay Agaasime-waaxeedka Cududda Shaqaalaha Baanka Dhexe Khadra Daaโ€™uud oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda kulanku xambaarsan yahay oo salka ku haysa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Baanka Dhexe u hayo Qaranka.

โ€œKulankani wuxuu ahaa mid uu Agaasinku isugu yeedhay maamuleyaasha laamaha Baanka Dhexe ee gobollada si ay isu xog-warraystaan, markaa annagaa ka codsannay agaasinka in lanoo dhex-raaciyo Abaal-marinta shaqaale weynaha Baanka oo sannad walba horaantiisa la qabto,โ€ Sidaas ayey tidhi Khadra Daaโ€™uud, madaxa Shaqaale-weynaha ee Baanka Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim, ayaa bogaadiyey hawsha ay Baanka Dhexe u hayso agaasimaha waaxda cududda Shaqaalaha Khadra Daaโ€™uud oo soo diyaariyey Abaal-marinta shaqaalaha hawl-karnimada lagu majeertay.

โ€œWaxaan ku faraxsanahay hawsha ay soo diyaarisay Khadra oo ka mid ah dadka aanu sida wanaagsan isu barannay maadaama oo aan idinku cusubahay,โ€ ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo intaas ku daray muhiimadda ay hawlaha Baanka Dhexe u leedahay wada-shaqeynta iyo daacadnimada hawl-wadeennada.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ayaa ka warbixiyey dariiqa loo maray Qiimeynta Shaqaalaha Baanka Dhexe, waxaanu yidhi, โ€œWaan ku faraxsanahay inuu Agaasimaha Guud qiro hawsha ay Khadra hayso culays fara badanina wuu ku dhacay markii ay qiimeynayeen Lixdankaas qof, waayo qiimeynta shaqaaluhu waa shaqo aad u culus oo ah in foormkii la diro oo la soo buuxiyo oo masuulkii madaxda u ahaa qofka shaqalaha ah uu soo gudbiyo, dabadeedna laysla eego sii qiimeyntu caddaalad u noqoto.โ€

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Dr Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa dhankiisa weedho dhiirrigelin ah ka jeediyey kulanka lagu abaalmariyey hawl-wadeennada Baanka Dhexe ee shaqo-wanaagga Muujiyey sannadkii hore.

โ€œBaanka Dhexe wuxuu leeyahay hab-dhaqan gaar ah oo ah walaaltinimo, wada-shaqayn is-ixtiraan, Aqoon iyo dedaal. Waxa innagu waajib ah inay xoojinno oo joogtayno hab-dhaqanka fiican ee lagu yaqaano Shaqaalaha iyo madaxda Baanka Dhexe,โ€ Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cali Cabdilaahi Daahir.

Gebo-gabadii munaasibadda waxa shahaaddooyin la guddoonsiiyey shaqaalaha Baanka Dhexe ee shaqo-wanaagga iyo hawl-karnimada Muujiyey Sannadkii hore.

Munaasibadda Abaal-marinta Shaqaalaha Baanka Dhexe, ayaa ku lammaanayd kulan isbarasho iyo dar-dargelinta Shaqada oo dhexmaray Agaasimaha Guud iyo Maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ee gobollada dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net