Waxa aan halkan ka baafinayaa adeerkay, kollay da’da ayuu waalid iigu yahaye, aqoonyahan Aqoonyahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo aan rabay in aan su’aal ka weydiiyoย aragti aanu ku kalaย tagganahay ooย ku saabsan waa kuma Duqa maansayahannada Soomaaliyeed?. Taas oo aan hore uga qoray maqaal aan ku baahiyay saxaafadda, oo aanan weli wax jawaab ka helin aqoonyahanka, walawย aan maqaalka u diray idaacadda VOA ee uu suugaanyahanku ka baahiyo barnaamijka dhaqanka.

Waxa aan bahda saxaafadda ka codsanayaa in ay farriintan iyo weydiintan aqoon-korodhsiga ah iga iga gaadhsiiyaanย Abwaan Idaajaa, iyada oo jawaabtana la iigu soo hagaajin karoย ciwaannadayda hoos ku qoran. Cidda haysa email ama taleefan aan toos ugala xidhiidho Aqoonyahan Idaajaa waan soo dhawaynayaa. Hadda waxa aan ka mid ahay dadkaย ogsoon kartidiisa, aqoonna ka bartay Idaajaa, Sayid-Maxamed Cabdulle Xasanna waxa uu ka mid yahay hal-abuurrada aan u hayo maamuuska ugu badan, laakiin qodobkan Duqa Maansahannada Soomaaliyeed waan liqi waayay siduuย dhigay Idaajaa, weliba waan ka xumahay in uu weydiintayda iga jaahil bixin waayo. Waa kan maqaalkii hore ee aan waayo-aragga xogta ku weydiinayay. Fadlan mar kale cidda haysa meel aan toos ugala xidhiidho Idaajaa ha ii soo sheegaan. Cidda su’aashan iga saaciddana waxa aan ugu mahad-naqayaa si gaar ah.
Xog-doon: Waa Kuma Duqa Maansahannada Soomaaliyeed?
Muddo ay ka soo wareegeen dhawr toddobaad, ayaa aan dhegaystay barnaamijka dhaqanka ee ka baxa idaacadda codka Maraykanka ee VOA, barnaamijkaas waxa soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali โIdaajaaโ, oo ah aqoonyahan ku xeeldheer afka, dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.
Barnaamijkaas waxa uu Idaajaa ku sharraxayay qaar ka mid ah erayada ay Soomaalidu wakhtigan u adeegsato hab qalad marka loo eego sida uu eraygu asal ahaan ku yahay afka Soomaaliga. Intii uu Idaajaa ku jiray sharraxa erayadaas, ayaa waxa uu tusaaleyaal u soo qaatay maansooyin ay curiyeen qaar ka mid ah maansahannada Soomaaliyeed.
Maansayahannada uu aqooyahanku maansooyinka soo qaatay waxa ka mid ah Sayid-Maxamed Cabdulle Xasan, laakiin waxa uu magaca Sayid-Maxamed ka horreysiiyay kelmad aad u culus, isaga oo Sayid-Maxamed ku tilmaamay โDuqii Maansayahannada Soomaaliyeedโ, taas oo aan u fasirtay in uu uga jeedo โHormoodkii Maansayahannada Soomaaliyeedโ.
Maqalka eraygaasi, waxa uu jawaab u noqday suโaal aan in badan is-weydiinayay, oo ahayd โMaansayahankee ayaa Hormood u ah, ama u noqon kara maansayahannada Soomaalida?โ. Suโaashaas waxa laga yaabaa in uu qofba si uga jawaabo, oo ruuxba maansayahan derejadaas siiyo, sababta uu doono ha ku xushee.
Haddaba waxa aan aqoonyahan Idaajaa, iyo aqoonyahannada kale ee Soomaaliyeed, ee daโ ahaan iyo aqoon ahaanba iiga waayo-aragsan mawduucan ka codsan lahaa in ay ii iftiimiyaan dhawrkan suโaalood:
1. Ma jirtaa dhacdo iyo taariikh Sayid-Maxamed loogu aqoonsaday Duqa Maansahannada Soomaalidu, sida goโaan dawli ah, urur, idaacad, gobol IWM? Iyo weliba sabab Sayidka loo siiyay derejadaas mugga leh? Haddii ay jirto waxa aan jecelahay in taariikhdaas la ii soo tebiyo
2. Duqnimada Sayidka ee uu Aqoonayahan Idaajaa xusay, ma mid ku kooban xilligii Sayidku noolaabaa, mise waa mid uu duq u yahay dhammaan hal-abuurrada ku maansooda Afka Soomaaliga, kuwo hore, kuwo nool iyo kuwo dhalan doonaba?
3. Haddii aanay dhacdo weyn oo la xusaa jirin, ma aqoonyahan Idaajaa ayaa Sayidka u caleemo-saaray Duqa Maansahannada Soomaaliyeed?
Kollay inta aan ogahay, hore uma maqal maansayahan Soomaali ah oo si rasmi ah loogu aqoonsaday Duqa Maansahannada Soomaalida, laakiin mar aan akhriyay buug Carabi ah oo isugu jiray suugaan iyo mawduucyo kale, ayaa waxa aan ku arkay Maansayahan Carab ah, una dhashay dalka Masar, magaciisuna yahay Axmed Shawqi, oo uu buuggaas aan akhriyay ku sifeeyay โAmiiru Shucaraaโ, kelmaddaas, marka la turjumo waxa ay ugu dhawaan noqonaysaa โAbwaankii Abwaannada, Duqii Maansahannada, Hormoodkii Gabyaagaโ IWM.
Ugu dambayn, waxa aan aqoonyahannada, suugaanyahannada iyo taariikhyahannada mawduucan xogtiisa haya ka codsanayaa in jawaab waafi ah la iga soo siiyo mawduucan. Ujeeddada maqaalkani ma aha in aan qof naqdiyo, ee waa xog-doon iyo aqoon korodhsi.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com
002522 4428604
Hargeisa, Somaliland.