Axmed Siilaanyo oo Maareeyihii hore ee Xukuumaddii UDUB dib ugu magacaabay Dekedda Berbera, guddoomiye ku-xigeen-na u magacaabay gobolka Maroodi-jeex

0

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliand Md. Axmed Siilaanyo ayaa maanta laba degreeto oo kala duwan ku xilal ugu magacaabay Maareeyaha Dekedda Berbera iyo ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, sida lagu sheegay labada warsaxaafadeed oo ka soo baxay aqalgalka looga arrimiyo Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu xilkii maareeyaha dekedda Berbera ka qaaday Axmed Yuusuf Dirir oo uu xilka u magacaabay markii uu talada dalka ku guulaystay xisbiga Kulmiye, waxaanu jagadan dib ugu magacaabay maareeyihii hore ee dekedda Eng. Cali Xoor-xoor oo xilkaas hayay intii ay jirtay xukuumaddii hore ee Xisbiga UDUB.

War-saxafadeedka ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada ee magacaabista iyo xil-ka-qaadista Maareeyaha Dekedda Berbera ayaa u dhignaa sidan:

โ€œMadaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.

Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo Sunaha Dawladnimo raacaya.

Markuu Arkay:ย ย ย  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:ย  Ahmiyadda Dekeddu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย  In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Dekedda Berbera;

Markuu Ka Fiirsaday:ย ย ย  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo

Markuu Ku Qancay:ย  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu goโ€™aansaday

In Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.โ€

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Siilaanyo magacaabay ku-xigeenka Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ka dib markii gudoomiyihi hore muddo laba bilood ah ka hor loo magacaabay xoghayaha golaha deegaanka Hargeysa.

War-saxafadeedka ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada ee magacaabista beddelka ku-xigeenka guddoomiyaha ayaa u dhignaa sidan:

โ€œMadaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-826/122011 ku Magacaabay Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:ย  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:ย ย  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:ย  Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:ย ย ย ย  In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex oo Banaanayd markii uu xilkii iska Casilay Gudoomiye Ku-xigeenka Hore ee Gobolka Maroodijeex, Mawliid Weris Cabdilaahi.

Markuu La Tashaday:ย ย ย ย  Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku Qancay:ย ย ย  In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu goโ€™aansaday

In Mudane, Rashiid Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee JSL.โ€

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net