Ictikaafka
Ictikaafku shareeco ahaan, waa qofka oo ku nagaada in muddo ah masaajidka, Alle SWT dartii. Waana arrin ka sugnaatay Rasuulka CSW inuu sameeyey, Alle SWT wuxu yidhi isagoo iftiminaya Ictikaafka, βHala kulminna xaasaskiina idinkoo ku ictikaafsan masaajidka.β
Ictikaafku Rasuulkeena CSW hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay ba, βWaxaanu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil inay u nadiifiyaan gurigayga βKacbadaβ kuwa dawaafaya, iyo ictikaafaya.β
Sidoo kale Ictikaafku wuxu leeyahay Axkaam, Shuruud, Adaab iyo wax jabiya markaa haddaynu iska soo ururino waxa aynu ku soo koobi lahayn:-
Β
Axkaamta ictikaafka
- Waa sunne
- Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee ramadaan
- Waajib ayuu noqonaya haddu qofku ku nadro
Shurudaha ictikaafka
- Niyadda inaad galiso inaad ictikaafayso, waa laga marmaan waayo niyaddaa wax kala saarta inaad maasajidka iska fadhido iyo inaad ku ictikaafayso.
- In aanad maasajidka ka bixin cudur daar laβaan sida inaad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iwm.
Β
Adaabta ictikaafka
- Inaad ku mashquusho Qurβaan akhris, digri iyo duco badan
- Inaad iska ilaaliso hadalka badan
- Xanta iyo isku dirka iyo malayacniga waa in aad ka fogaataa
- In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga ka qaada sida game, ama lapton aad internet ku soo xidhato oo aad halka dadka kala sheekaysato wakhtigii cibadadana kaa lumiya.
Waxa buriya ictikaafka
- Galmada
- Dhiiga caadada
- Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar laβaan
- Qofka oo diinta ka baxa
Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub