ย
Hargeysa (SLpost):- Macalimiinta dugsiyaddaย hoose dhexe ee dawliga ah ย ee caasimadda Hargeysa ayaa soo celiyay lacagtiiย ardayda laga qaadi jiray, taasi oo burinaysa ย siyaasadii xukuumadda Somaliland bilaash kaga dhigtay waxbarashadda dugsiyadda Hoose/dhexe.
Waalidiinย kala duwanย ooย degan caasimadda Hargeysa, ayaa ayaa cabasho ka muujiyay arrintani, waxaanay sheegeen ย ย in lacagtii (Fee)-gaย ahayd ee laga qaadi jiray ardayda dugsiyadda hoose iyo dhexe la soo celiyay. Tallaabadaasi oo ย lidi ku ah ย himiladdii ย ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyoย bilaashka kaga dhigtay waxbarashadda dugsiyadda hoose/dhexeย ย ee dalka.
โWaxaa carruurta lagu soo roggay muddooyin kan dambe ooย dugsiyaddu sharci ka dhigteen-ba inay bil walba ardayda soo faraan in la bixiyo 15000 oo shilin. Arrintaasi ย waxaanu jeclaan lahayn haddii xukuumaddu ay soo celisay lacagtii ardayda laga qaadi jiray in si rasmi ah masuuliyiinta waxbarashaddu daboolka uga qaadaan, haddii kale ay dib isugu noqdaan oo lacagtan la gurayo la joojiyoโAyuu yidhi Axmed Ismaaciil Xandulle ooย ka mid ah odayaasha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, oo noo sheegay in afar caruur ah oo uu dhalay ay wax ka bartaan ย ย dugsiyadda hoose dhexe, isla markaana ย mid walba laga qaado lacag 15 kun oo shilin ah bil walba.
Weriyeyaal ย ka tirsan wargeyska DAWAN, ooย maalmihii la soo dhaafay u kuur-galay arrintan ayaa soo xaqiijiyay in maamuleyaasha dugsiyadda Hoose/dhexe ee caasimaddu ay mudooyinkan dambe ย ardayda ku soo rogeen lacag aan ย la cadaynin sharciyan waxa ay ku salaysan tahay,ย oo aanay macnaynin Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland.
Waxa kale oo la xaqiijiyay in ardayda aan bixin lacagtan sharci darrada ah laga eryo dugsiyadda waxbarashadda, taasina oo ah ย fadeexad labaad oo ay wasaaradda waxbarashaddu tahay inay xal u hesho. Macalimiinta iyo maamuleyaasha dugsiyadda Hoose dhexe ee caasimaddu ayaa la sheegay in ay ย ku cawdaan ย in mushaharka ay ka qaataan dawladdu uu aad ugu yar yahay, isla markaana aanu daboolaynin baahidda qoysaskooda ooย mushaharkoodu aanu waxba u goynaynin.
Waxaanay ku doodayaan macalimiinta dugsiyadda dawladu ย in lacagtii ay ardayda ka qaadi jireenย ee laga jaray ay saamayn weyn oo taban ku yeelatay noloshoodii. Dhinaca ย kale, Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle) oo aanu xalay dhawr jeerย isku daynay ย in aanu wax ka weydiino lacagtan ardayda dugsiyadda hoose/dhexe lagu soo rogay ayaanay noo suurto-gelin, ย kadib markii uu naga qaban waayay Telefoonkiisa gacanta.
Sidoo kale, Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, oo aanu isnaย isla ย xalay la xidhiidhnay ayaaย ka gaabsaday inuu arrintaasi ka hadlo.ย Waxaanu ย ku tiraabay โAdeer Anigu Arrintaas Kama Hadlayo.โ Markii aanu weydiinayย sababta uga hadlayaynin ย ย ย cabashadan waalidiinta waxa uu yidhi โAdeer, Ninka ila Hadlayaa sow ย ย ย DAWANย ma aha? Wargeyskii dawladda sow ma aha.ย Adeer ย arrintaas ka hadli mayo, ย ee waxaad qorayso qor.โ Ka dibna waxa uu nagu jaray Telefoonkii.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda ย talladdaย haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ย waxa ka mid ah qoddobada ay kalsoonida kaga kasbatay bulshadda waxbarashadda dugsiyadda Hoose/Dhexe ee dawliga ah ooย ย ย laga dhigay lacag laโaanta. Waxase muuqda in himiladdii madaxweynaha ay mijo xaabinayso siyaasad xumo ka dhalatay maamulka wasaaradda waxbarashadda oo ay ahayd inay iyagu dabo-galaan in qorshahaasi ย sidii la rabay u ย ย hirgalay iyo in kale.
XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN