[B]erbera (SLpost)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta Kumanaan dadweyne oo watey boqolaal gaadhi oo lagu soo sharaxay Sawirada Jamaal ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah Magaalada Berbera, kadib markii uu ka soo kicitimay dalka Tanzania oo uu degen yahay,kuwaas oo ku soo wareejiyey guddaha Berbera, kadibna waxa la dejiyey Huteelka Maansoor ee Magaaladaasi.
Dadweynaha soo dhaweeyey ayaa isaga kala yimid Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo kuwo kale iyo dadweynaha reer Berbera oo aan u kala hadhin, waxa soo dhaweynta si weyn uga dhex muuqday shaqaalaha dawlada, kuwaas Madaarka ilaa huteelka Maansoor boqolaal gaadhi ku galbiyey qeybaha Magaaladana ku wareejiyey.
Jamaal Cali Xuseen oo qolka nashada ee Madaarka Berbera ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan dadweynihii kala duduwana ee sida diiran u soo dhaweeyey.Waxaanu yidhi βHadalkii haddii lagu cel-celiyo wax qiimo ah ma yeesho, intii aan odhana karayey waan idhi intii garteyda ahna waan sheegtey, imika waxaan u imid uun inaan
wada-tashi balaadhan la sameeyo dhamaan bahweynta Xisbiga UDUB, dhamaan taageerayaashaydii, dhamaan odayaashii dhamaan dhalinyaradii, waxgaradkii, haweenkii iyo dadkii I taageersana ee Xisbiga ka tirsanaa iyo kuwii aan Xisbiga ka tirsanayn, Waxay Soomaalidu tidhaahda i-jiid aan ku jiide waa gacmo daalis, immika waa in arrinka la so oaf-jaro oo dhinac-uun isugu-biyo shubanno.β
βMarkaa wada-tashigaasi balaadhan kadib aan sameeyo ee dadka figradaheeda ogaado ee goβaammadii miiska noo saarnaa ee aannu qaadan karaynay ama UDUB ha noqoto ama meel kale ha noqotee inaannu markaa kaga dhawaajinno ayuun bay noqon doontaa haddii Illaahay yidhaahdo, waxaan rejaynayaa in Illaahay sida khayrka leh innagu waafajiyo. Waxan Madaxtinnimaduna waxa weeye wax Illaahay dadka calaf u siiyo ama uu u qoray inta badan karti kuma timaaddo.βAyuu yidhi Jamaal.
Waxaanu intaas sii raaciyey, βLaakiin, dadku markay u gartaan Illaahayna u garto ayuun buu qofku helaa. Taasna markaan dadka la tashado ayaannu goβaan ka gaadhi doonnaa, immika hadal badan odhan maayo oo waanigii maalintii dhawayd garnaqsaday.β
Hadalkiisa kadib waxa Jamaal la weydiiyey Suβaalo kooban waxaanay u dhaceen sidan:
S: Jamaal ma jiraa goβaan kale oo kuu bannaan oo aan Xisbiga UDUB ahayn?
J: Waanigii maalintii hore ka shaaciyey Waraysigii aan bixiyey ee aan idhi xulasho qudha ma haysto ee goβaanno badan baan haystaa, wixii aan ka gaadhayno goβaankaana markaan bahweynta la tashado wixii aannu ka yeelayno qaadanaynaa Insha Allaah. Dhammaan goβaamadaasina miiska ayey noo saaran yihiin.
S: Goβaanka ma inta aad socdaalkaagan aad maanta dalka ku timi ku guda-jirto ayaad soo saaraysaa?
J: Insha Allaah haa, intan aan waddanka joogo ayaan soo saarayaa.
S: Jamaal, waxa jira hadal-hayn badan oo dadku ay hadal-hayaan in Xisbiga UCID aad u socoto, Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal-na aad isku-aragteen Dubia oo aad heshiis gasheen, bal arrintaa dadka u faahfaahi?
J: Waxa weeye Faysal waa nin aannu is-naqaanno, Xisbiga UCID-na Xisbiyadii aan taageeri jiray shaqsiyan ayuu ka mid ahaan jiray, goβaammadaa aannu kala dooranayno waa ka mid haddaad runta doonayso inaad ogaato. Laakiin, wax goβaan ah ama heshiis aannu soo wada-galnay ma jiraan. Marka aan dadka la tashado ayaanan goβaankeeda gaadhiΒ doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net