Laascaanood (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada kala duwan ee ka hawl-gala gobolka Sool, ayaa ka hadlay xaaladda xilligan ee magaalada Laascaanood.
Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Saraakiisha kale ee Ciidamadu waxa ay si qoto-dheer uga xog-warrameen xaaladda magaalada oo xilligan ay ku sugan yihiin Xubno ka mid ah Garaaddada gobollada Sool iyo Buuhoodle oo ay weheliyaan Maleeshiyo-beeleedyo kala duwan.
Taliye Nuux Ismaaciil Taani wuxuu ka hadlay Soo-dhaweyn magaalada loogu sameeyey Garaaddada Beelahaas dega gobollada Buuhoodle iyo Sool oo gaadiidkii lagu qaabilay ay saarnaayeen lagu xardhay Calanka Soomaaliya, waxaanu taliyuhu sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland qayb ka ahaa soo-dhaweynta Garaaddada oo ay ammaankooda sugayeen.
Hadalka Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Saraakiisha kaleba, kaga bogo Muuqaalka Hoose