Hargeysa (SLpost)- Macad Waxbarasho oo lagu baranayo Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah, Shareecada Islaamka iyo Luuqadda Carabiga, ayaa maanta laga furay magaalada Hargeysa.
Mac-hadkan oo lagu magacaabo Al-Faatix, ayaa maanta magaalada Hargeysa loogu qabtay munaasibad lagu shaaciyey daah-furkiisa, waxaana munaasibadda ka qayb-galay Guddoomiy ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, culimo-aw-diinka ugu magaca weyn caasimadda Hargeysa qaarkood, Abwaanno iyo Marti-sharaf kale.
Shakhsiyaadka munaasibadda daah-furka Macadka hadallada ka jeediyey waxa ka mid ah Guddoomiy ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada, Axmed Abokor, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Cabdiraxmaan Faarax iyo Abwaan Xasan Daahir Weedhsame
Adeegyada Barasho ee Macadkani bixinayo, waxa kale oo ku jira Qayb Online ah oo Ardaydu iyagoo guryahooda ama goobahooda shaqo ku sugan ay ku baranayaan culuumka kala duwan ee macadku bixiyo oo uu ugu horreeyo Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah.
Macadka Cusub oo xaruntiisu ku taallo Xaafadda Jigjiga Yar, gaar ahaan Galbeedka Iimaan Center ee magaalada Hargeysa, waxa aasaasay Sheekh Maxamed Cabdirashiid Wayrax oo ah Khaddiibka Masjidka 26 June (Ibraahim Dheere) ee magaalada Hargeysa.
Sida Maamulku ka sheegay xafaladda, Shahaadada Macadka waxa aqoonsan Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, waxaanay ardayda ku soo baxda Dhibcaha ugu sarreeya ee Imtixaanku helayaan Deeq Waxbarasho oo looga diyaariyey Jaamacadaha dalka Suudaan.
Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka warbixin laga diyaariyey munaasibaddii maanta lagu daah-furay Macadka Al-Faatix.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net