Hargeysa (SLpost)- Agaasimhii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaanย oo maanta xilka ku wareejiyay Agaasimaha dhowaan Madaxweynuhu u magcaabay wasaaradda, ayaa qoraal kusoo bandhigay wax-qabadkii u qabsoomay wasaaradda mudadii uu joogay.
Qoralka uu Agaasime Cabdirashiid, kaga hadlay waxyaabaha u qabsoomay oo wata cadaymo muujinaya hawlaha uu sheegay inuu qabtay, ayaa u qornaa sidan:-
โWaxa Mudnaan La kala siiyay Hiigsiyada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad (NDP II Prioritization) โ Ka eeg lingaxan buuggaagta 9 ka ah ee la diyaariyay;ย https://slministryofplanning.org/index.php/10-quick-downloads/14-plans
Waxa aan soo saarnay Warbixinta Qiimeynta Waxyaabaha laga qabtay QHQ ee 2aad (NDP II Progress Report) si loo cabiro inta aynu u jirno hanashada hiigsiyadii dalka u yaalay โ Dhawaan la daabaci doonno.
Waxa dib loo dar-dar galiyay Kulamada u dhexeeyaha Qaadhaan Bixiyayaasha, hayโaddaha dawladda, kuwa caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay si loo xoojiyo xog is waydaarsiga ku wajahan waxqabadka Qorshaha Horumarinta Qaranka (Coordination Meetings).
Kulanka Dawladda & Hayโaddaha Caalamiga ah
Kulanka Hayโadda aan dawliga ahayn ee Islaamiga ah
Kulamada Wadaagayaasha kala duwan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka oo si habsami leh u qabsooma.
Kulamada Madaxda kala duwan ee Hayโaddaha Qarama Midoobay.
Kulamada Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka caawiya Horumarka.
Halkan ka eeg xogta kulamadaasi:
- Waxa aannu soo saarnay Warbixinta Deeqaha dalka soo galay, cadadkooda, gobolada ay galeen iyo Wadaagayaasha ay galeen (Aid Flow Report) โ lingaxan ka eeg;ย https://slministryofplanning.org/images/Reports/AID_FLOW_REPORT_Final.pdf
- Waxa aannu samaynay Siyaasadahan oo qaarkood yihiin Qabyo-Qoraal u baahan ansixin, qaarkoodna la ansixiyay:
- Qabyo-Qoraalka Siyaasadda Qaran ee Qiimeynta & Daba Galka Mashaariicda (Draft National Monitoring & Evaluation Policy)
- Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isku-duba Ridka Deeqaha & Hawlaha Horumarka (Draft National Coordination Policy)
- Siyaasadda Qaran ee Qaybinta Xogta (National Data Disemination Policy)ย http://www.somalilandcsd.org/docs/Data_dissemination_policy_of_CSD.pdf
- Waxa aannu bilawnay oo hadda la qaatay la taliyayaashii samayn lahaa Siyaasadda Qorsheynta Qaranka (National Planning Policy) iyo Xeerka Qorsheynta Qaranka (National Planning Act) oo si dhakhso ah loo bilaabi doonno qoritaankiisa oo uu innagu caawinayo Baanka Adduunku.
- Waxa aannu daah furnay Dhisida Xarunta Xogta Biyaha iyo Dhulka oo laga dhisi doonno xarunta Wasaaradda Qorsheynta & H. Qaranka (Information Management Centre).
- Waxa la dhamaystiray Qorshihii Koowaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF I). Waxa siddoo kale La bilaabay hirgelinta & qorsheynta Qorshaha Labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF II) oo ka hirgeli doonna dhamaan Gobolada Dalka.
- Waxa aannu bilawnay samaynta system Online ah (Somaliland Aid Management System) oo lagu ururiyo xoggaha mashaariicda dalka ka socda, warbixinahooda, goobaha ay ka hir galayaan, wadaagayaasha ay horumarka ku wadaan & cadadka lacag ee mashaariicdaasi ay maal galinta ku wadaan si bulshadu ula socoto dadaalada horumarineed ee beesha caalamku inala waddo isla markaana loo fududeeyo isku duba ridka gar-gaarka. System kaasi hadda wuxu ku dhaw yahay gabo-gabo โ ka eegย https://somalilandaidflows.org/
- Waxa soo baxday warbixinta xog ururinta xaalada dhimasahada ee Hooyada & Dhalaanka oo hadda qabyo qoraalkeedu diyaar yahay THEMATIC REPORT ON MATERNAL MORTALITY.
- Waxa socda Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Somaliland (Somaliland Health & Demographic Survey โ SHDS).
- Waxa soo baxay buug yaraha Xogta Haweenka & Ragga ee 2018 (Men and Women Booklet) oo hadda gacanta lagu hayo buuggii 2019 kaย http://www.somalilandcsd.org/wp-content/uploads/2018/11/Gender-Booklet-05.pdf
- Waxa aannu soo saarnay Buugga Xogta Qaranka Sannadaha 2016, 2017 โ waxa hadda socda xog ururinta sannadka 2018.
- Waxa soo baxday Xogta Dhaqaalaha Dalka ee Shantii sanno ee u dambeeyey (Gross Domestic Product) โย http://www.somalilandcsd.org/wp-content/uploads/2018/10/GDP-report-2012_2017.pdf
- Waxa aannu diyaarinay Qorshaha Horumarinta Nidaamka Xogta ee Qaranka (National Strategy for Development of Statistics (NSDS2 2018 โ 2021)
- Waxa si joogto ah Bil kasta u soo baxa Xogta Halbeega Sicirka Ascaartaย http://www.somalilandcsd.org
- Waxa aannu qiimeyn ku samaynay Waaxaha Qorshaynta & Xogta ee dhamaan hayโadaha kala duwan ee dalka ee fulinaya QHQ2aad si kor loogu qaado aqoontooda, waxa soo baxay warbixintii ( Planning & Statistics Units Assessment).
- Waxaa dib u habeyn & fududeyn lagu sameeyey nidaamka hadda ay WQ&HQ ku u diiwaan geliso hayโadaha caalamiga ah & kuwa maxaliga ahba si u adeegida hayโaduhu u fududaato.
- Waxa aannu si adag u dabaqnay Xeerka Qaranka ee lagu maamulo hayโaddaha Caalamiga ah ee NGO Act, nidaamka fulineed ee mashaariicda & yaraynta kharashaadka ku baxa fulinta mashaariicda horumarineed ee ay hayโadduhu wadaan.
- Waxa aan dib u habeyn ku samaynay nidaam xisaabeedka & Maamulka Wasaaradda si ay xisaabaadku u noqdaan kuwo daah furan annagoo wax ka bedelnay hab iibka WQ&HQ.
- Waxa aannu shaqaalaha WQ&HQ uga soo iibinay Miisaaniyadda Wasaaradda SADDEX BUS oo shaqaalaha u shaqeeya (THREE MINI-BUSES).
- Waxa Luqadaha Soomaali iyo Carabi loo turjumay QHQ ee 2aad si fahanka guddaha loo xoojiyo, isla markaana loo xoojiyo raadinta maaliyada lagu hirgelinayo QHQ2aad iyadoo laga doonayo dalalka Luqada Carabiga ku hadla iyadoo laga faaiidaysano hayโadaha Islaamiga ah ee dalka ka hawl-gala.
- Waxa aannu dar-dar gelinay Hab xidhiidhka Wasaaradda Qorsheynta & Xidhiidhka ay la leedahay bulshada maadama oo ay waajib tahay in ay bulshadu hesho Xogta ku saabsan hawlaha ka socda WQ&HQ (Public Information). โ ayuu ku yidhi qoraakiisa, Agaasime Cabdirashiid Ibraahim Sh, Cabdiraxmaan.