Hargeysa(SLpost)-Agaasimaha wasaarada ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa sheegay inay ka hawlgali doonaan in la ilaaliyo goobiha taariikhiga ah ee Somaliland, lana baadhi doono kuwo hor leh.
sida oo kale waxa uu sheegay inuu ku wacyigalin doonaan dadka sidii loo ilaalin lahaa waxyaabaha taariikhiga ah oo wakhtigan ah kuwo la dhayalsado, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi โDalkeena Somaliland raadad badan oo muuqda iyo kuwo qarsoon ayaa ku duugan, dadaalkii hore loo sameeyay iyo ka lagu jiraaba waa in aynu soo bandhigno, si abtirsiinta dalkeena loo ogaado oo aynu u soo jiidano dalxiisayaasha dunida iyo umaddaha ku hawlan soo saarta taariikhda iyo raadadka, waxa lagama maarmaan ah in aynu daโdaal badan samayno qaran ahaan iyo umad ahaanba. waxaanu ku dadaalaynaa inaan sii kordhino baadhista iyo inaan xafidno goobihii hore loo helay. waxaan ku wacyigalin doonaa dadka reedadkan aanay wax macna leh u haysan inay u arkaan inay yihiin kuwo soo saaray taariikhda dhulkanโ