Agaasimaha Guud ee Shaqo-gelinta oo Furay Kulan lagu Gorfeynayo Qabyo-qoraalka Xeerka ururrada Shaqaalaha

0

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, ayaa maanta Hargeysa ka daah-furay Kulan lagu naaqishayo isla markaana bulshada loogu bandhigay inay ka dhiibtaan talooyin  ku saabsan Qabyo-qoraalka Xeerka Ururrada Shaqaalaha Somaliland.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda Shaqo-gelinta, waxa ka qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Wakiillo ka socda Ururrada Shaqaalaha oo isaga kala timi gobollada dalka, Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xubno sharci-yaqaanno ah, waxaana hadallo kulanka laga jeediyey lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka xeerkan oo muhiimad weyn ugu fadhiya Shaqaalaha iyo Loo-shaqeeyaha.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqo-gelinta, masuuliyiinta ururrada Shaqaalaha ee Somaliland iyo xubno Sharci-yaqaanno ah oo kulanka ka hadlay ayaa faahfaahiyey muhiimadda xeerku u leeyahay ururrada shaqaalaha dalka iyo sida loogu baahan yahay in si daahfuran loo faaqido wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo qabyo-qoraalka xeerka oo ay tilmaameen inay suurto-gelinayo ama dhaqan-gelinayo qodobbada xuquuqaha shaqalaha ee ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, ayaa faahfaahiyey muhiimadda uu xambaarsan yahay Qabyo-qoraalka Xeerkan oo uu sheegay inuu suurto-gelinayo aasaaska iyo hirgelinta Ururro u dooda xuquuqaha Shaqaalaha iyo Loo-shaqeeyaha.

Md Cabdirashiid Ibraahim waxa uu xusay in kulankani yahay kii ugu dambeeyey ee bulshada lagaga qayb-galinayo ka-talo-bixinta qabyo-qoraalka Xeerka Ururrada Shaqaalaha ka hor inta aanu si rasmi ah u dhaqan-gelin kaddib marka ay ansixiyaan hay’adaha xeer-dejinta ee dalka.

https://www.facebook.com/slntvone/videos/1292480051282395

Qabyo-qoraalka xeerkan oo la filayo in dhawaan la horgeeyo Golaha Wasiirrada oo marka ay ansixiyaan kaddib u gudbin doona goleyaasha sharci-dejinta ee dalka, ayaa jidaynaya jaan-goynta sharci ee ururrada u dhaq-dhaqaaqa Xuuqaqaha Shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha, waayjibaadka ay leeyihiin iyo xuquuqaha masuuliyeed ee ay ku aasaasan yihiin.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, waxa uu shalay daah-furay Shirweynaha daneeyayaasha Shaqo-gelinta ee Somaliland oo sannadkiiba hal mar la qabto, waxaana kulan oo wasaaraddu soo agaasintay lagu soo bandhigay warbixinno xambaarsan daraasado laga sameeyey fursadaha Shaqo-abuurka dalka iyo caqabadaha ku gedaaman.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net